Haatan Aarsatee,Inanta Soo Fasaxa.
Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
Abtirsiimo Iyo Itaal Sheegato,
Dadku Way Arkeen,
Awoodays Bideen,Wada Amuso,
Afkoodii Xidhee,
Arxan Laawayaal Mala Aarsate,
Inantun Fasaxa,
Awood Laguma Dayo Asalki Habla,
Imikuna Fasaxa,
Islaam Hadaa Tihiin Ashahadataan,
Alahood Yaqaan,
Uunkan Qayliyee Aydaan Maqlayn,
Indha Maw Furtan,
Aflagaadado Iyo Erayada Guracan,
Idika Kasbada,
Ilaaqdana Ka Heli Allaheen Ka Baqa,
Ummadii Dhibtee,
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...