Ciidanka Dab-demiska Berbera oo soo badbaadiyay Nin Carab Ah Oo ku dhacay Barkad.

0
Saturday June 17, 2023 - 09:06:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Dab-demiska Berbera oo soo badbaadiyay Nin Carab Ah Oo ku dhacay Barkad.

    "Ninkan berkedda ku dhacay ayaa ka soo jeeday qoomiyada Carabta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ninkan berkedda ku dhacay ayaa ka soo jeeday qoomiyada Carabta"



Berbera Ciidanka Dab-demiska Berbera ayaa maanta Qaylo dhaan Badbaado looga soo sheegay  xaafada Burco-Sheekh, nooca badbaadadaas oo ahayd Nin Berked  uu ka shaqaynayay ku dhacay taas oo ku taalla maxjarka xoolaha, berkeddan oo ahayd 10 Mitir oo dherera.

 

Ugu horayn Ciidanka ayaa ku baxay isla markii la soo sheegay yeedhmadaa samatabixinta ah, markii uu ciidanku gaadhay goobtaasna waxaa la gudagalay hawlgalkii iyadoo ciidanku adeegsanayo Qalabka lagu badbaadiyo dadka, ayna ka mid ahaayeen Xadhko iyo Salaamo iyo qalabyo kale, ugu dambayna hawlgalkaa ayaa ciidanku ku guuleystay inay  ninkaa ka soo saaraan godka isagoo badqaba.

 

Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee magaalada Berbera qaybta Emergencyga, maadaama oo dhaawac soo gaadhay ninkaa.

 

Ninkan berkedda ku dhacay ayaa ka soo jeeday qoomiyada Carabta ee waddanka Yemen.

 

Ugu dambayn Ciidanka Dab-demiska ayaan ku koobnayn Samatabixinta aafada Dabka balse waxaa ciidanku ka shaqeeyaa Badbaadada waxaana ciidanku ku wacyigelinayaa bulshada inay ka taxadaraan Godadka iyo Musqulaha duugoobay.

 

Allah Mahad leh.

Hadii aad la kulanto masiibo dab ama gurmad kale soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee ciidanka Dabdemiska 990 shirkadaha Telesom/ Somtel 24 ka saacadood ba.


Loading...
Loading...