Madaxweynah Ruushka Oo Xaqiijiyey In Uu Hubka Nukleerka Gaarsiiyey Dal Aan Loo Ogoleyn.

0
Saturday June 17, 2023 - 08:51:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynah Ruushka Oo Xaqiijiyey In Uu Hubka Nukleerka Gaarsiiyey Dal Aan Loo Ogoleyn.

    "Muddo dheer sidan oo kale umasii dagaalami kartid"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muddo dheer sidan oo kale umasii dagaalami kartid"

 


Ruushku wuxuu Belarus u daabulay qaybtii u horreysay ee hubka xeeladda ee nukleerka, ayuu yiri Putin.

 

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa madal ka sheegay in hubkan la isticmaali doono oo kaliya haddii dhulka ama gobol ka mid ah dhul weynaha Ruushka la handado.

 

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inaysan jirin wax calaamad ah oo muujinaysa in Kremlin-ku uu qorsheynayo inuu hubka Nukliyeerka u adeegsado weerarrada Ukraine.

 

"Ma aragno wax calaamado ah oo muujinaya in Ruushka uu isku diyaarinayo inuu isticmaalo hubka nukliyeerka," Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa yiri ka dib hadalka Mr Putin.

 

Belarus waa xulafada muhiimka ah ee Ruushka waxayna garab muhiim ah u ahayd duullaanka buuxa ee Ruushku uu ku qaaday Ukraine bishii February ee sanadkii hore.

 

Mr Putin ayaa sheegay in daabulista madaxyada taatikada ee hubka Nukliyeerka la dhameyn doono dhamaadka xagaaga.

 

Madaxweynaha Ruushka oo ka jawaabayay su'aalo ka dib khudbad uu ka jeediyay madasha dhaqaalaha caalamiga ah ee St Petersburg, ayaa sheegay in tallaabadani ay ku saabsan tahay "xakamaynta" iyo in la xasuusiyo cid kasta oo "ku fikiraysa inay nagu hayso guul-darro istiraatiiji ah".

 

Mar uu weydiiyay dhexdhexaadiyaha madasha su’aal ku saabsan suurtagalnimada isticmaalka hubkaas, wuxuu ku jawaabay: "Maxaynu ugu hanjabaynaa adduunka oo dhan? Waxaan horay u sheegay in isticmaalka tallaabooyin xad-dhaaf ah ay suurtagal tahay haddii ay jirto khatar ku wajahan qaranimada Ruushka."

 

Hubka taatikada ah waa madaxyada nukliyeerka yar iyo hababka gaarsiinta loogu talagalay in lagu isticmaalo goobta dagaalka, ama weerar xaddidan. Waxaa loo qorsheeyay in ay burburiyaan bartilmaameedyada cadowga ee aag gaar ah iyaga oo aan keeeyn shucaac baahsan oo.

 

Hubka ugu yar ee nukliyeerka ah wuxuu noqon karaa hal kiilooton ama wax ka yar soo saarista u dhiganta kun tan oo ah TNT-ga qarxa. Kuwa ugu waaweyn waxay gaari karaan ilaa 100 kilotons. Marka la barbardhigo, bamka atomiga ah ee Maraykanku ku tuuray Hiroshima sannadkii 1945 wuxuu ahaa 15 kiloton.

 

Madaxweynaha Ruushka wuxuu u ballansan yahay la kulanka madaxda Afrik kadib markii ay booqdeen Kyiv jumcadii shalay, talaabadan oo ah dedaalo nabadeed oo ay hor dhigayaan labada dhinacba. Hase ahaatee xilli ay madaxdani ku sugnayd magaalada, ayaa duqeymo lala beegsaday.

 

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda labada dhinac iyo wada xaajood nabadeed oo la isugu yimaad.

 

"Waxaan halkan u nimid inaan dhageysanno oo aan aqoonsanno wixii ay soo mareen dadka Ukraine," ayuu yiri.

 

Laakiin madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in ay haboon tahay in Ruushka cadaadis siyaasadeed si loo diro fariin ah in beesha caalamku ay cambaaraysay duulaanka Ruushka.

 

Kyiv ayaan wax wada xaajood ah la geli doonin Moscow inta ay weli qabsanayso dhulka Ukraine, ayuu yiri Mr Zelensky.

 

Mr Putin ayaa sidoo kale ku celiyay sheegashadiisa ah in Ukraine aysan haysan wax fursad ah oo ay ugu guuleysan karto weerarada ka hortagga ah ee socda.

 

Milateriga Ukraine ayuu sidoo kale gabaabsi ku yahay qalabkoodii milateri, waxaana dhowaan la isticmaali doonaa oo keliya qalabka ay reer galbeedku ku deeqaan, ayuu yiri.

 

"Muddo dheer sidan oo kale umasii dagaalami kartid” ayuu yiri, isagoo ka digay in diyaarad kasta oo nooca Maraykanka eee F16 ah oo la siiyo Ukraine "uusan shaki ku jirin in la gubi doono".

 

Ukraine ayaa horay u diidday hadal kan la mid ah, waxayna sheegtay inay horumar ka samaynayso dib u qabsashada dhulka bariga iyo koonfurta Ukraine.

 

Jimcihii, wasiir ku xigeenka difaaca ee Ukraine Hanna Malyar ayaa sheegtay in koonfurta dalka cutubyo ay ruqaansadeen 2km oo dhan walba ah.

 

BBC si madaxbanaan uma xaqiijin karto sheegashada goobta dagaalka.

 

Hogaamiyaha Ruushka ayaa sidoo kale ka hadlay mowduucyo dhaqaale, isagoo ku andacoonaya in cunaqabateynta reer galbeedka ee Ruushka ay ku guuldareysteen inay go'doomiyaan, taas bedelkeedana ay horseeday ballaarinta ganacsigiisa ee "suuqyada mustaqbalka".

 

Waxa uu ammaanay heshiisyada cusub ee lala galay dalalka Aasiya, Bariga Dhexe iyo Laatiin Ameerika – isaga oo ku tilmaamay inay yihiin "la-hawlgalayaal la isku halleyn karo oo mas’uul ah”.

 

BBC


Loading...
Loading...