Gabadhii Ugu Horaysay Ee Muslin Ah Oo Loo Magcaabay Garsoore Heer Federaal Ah Oo Maraykan Ah

0
Friday June 16, 2023 - 16:41:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadhii Ugu Horaysay Ee Muslin Ah Oo Loo Magcaabay Garsoore Heer Federaal Ah Oo Maraykan Ah

    "Nusrat ayaa fadhiisan doonta Maxkamad Degmo oo Federaal ah oo ku taalla New York"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Nusrat ayaa fadhiisan doonta Maxkamad Degmo oo Federaal ah oo ku taalla New York"


 


 

Golaha Senateka ee Maraykanka ayaa cod aad u yar ku ansixiyey garsoorihii ugu horreeyey ee Muslin ah ee xubin ka noqda maxkamadaha heer federaal ee dawladda Maraykanka. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xilkan u magcaabay Nusrat Choudhury oo ka soo jeeda dalka Bangladeshi.

 

Nuarat ayaa xilal sare uga soo qabatay isbahaysiga u dooda xorriyadda madaniga ah ee Maraykanka ee fadhigiisu yahay gobolka Illinois. Iyada oo wakhti dheer caan ku ahayd inay u dhaqdhaqaado sinnaanta dadka kala jinsiyadaha ah, caddaaladda iyo amniga bulshada.

 

Golaha Senateka ayaa ku ansixiyey 50 cod oo ka mida 100 mudane ee golaha, halka ay diideen 49 mudane.

 

Nusrat ayaa fadhiisan doonta Maxkamad Degmo oo Federaal ah oo ku taalla New York.

 

Guddoomiyaha aqlabiyadda ee golaha Senateka Chuck Schumer ayaa Nusrat ku tilmaamay inay leedahay waayo aragnimo sare, karti iyo daacadnimo. Wuxuu sheegay inay khibrad u leedahay xuquuqda madaniga ah, taasina ay keeni doonto inay xirfadeeda ugu adeegto kursiga loo magcaabay ee heer Federaal.

 

BBC


Loading...
Loading...