Muuse Biixi Oo Sheegay In Aanay Jirin Meel Somali Ku Kala Tagi Karto.
Muqdisho (HWN) - Raysal Wasaare ku xigeenkii hore ee
Soomaaliya Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa madaxweynaha Somaliland usoo
jeediyay eedo ay kamid yihiin in uu aqbalay in Somaliland la midowdo Soomaaliya
iyo in uu codsaday in lacagtii suuqa Waaheen akown gaar ah loogu shubo.
Mahdi Guuleed oo hada
ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa Madaxweyne Biixi ku
eedeeyay in kadib markii uu ku guulaystay doorashadii 2017, uu Madaxweyne
Farmaajo u sheegay in loo baahanyahay in midnimadii lasoo celiyo.
"Waxa uu ku yidhi
Soomaali way gumowday, waxaynu u baahanahay in aynu Soomaali daba qabano, ma
jirto meel ay Soomaali ku kala tagi kartaa" ayuu yidhi Xildhibaan Mahdi
Guuleed oo waraysi gaar ah siiyay MMTV.
Waxa uu madaxweynaha ku
eedeeyay in uu yahay shakhsi maalinta ay xaaladu ku adagtahayna soo wici jiray
Madaxweyne Farmaajo, oo uga sheekayn jiray Soomaali jacayl, marka ay arrimuhu
iskugu toosanyihiina aan cidna aqoon.
Waxa uu Biixi ku
eedeeyay in kulan uu Addisababa kula yeeshay Farmaajo uu wax walba ku
ogolaaday, sida in dib loo midoobo oo madaxweynaha Soomaaliya Somaliland la
siiyo, isaga oo sheegay in Raysal Wasaare Abiye uu Madaxweyne Biixi u sheegay
in anay jirin cid Somaliland aqoonsanaysa.
Waxa uu sheegay in
madaxweynuhu uu sabab u ahaa dagaalka Laascaanood oo
aanu siin fursad lagaga
heshiiyo intii garaadada iyo siyaasiyiinta deegaankaasi ay wadahadalka
ogolaayeen, isla markaana aanu rabin in uu doorasho qabto.
Waxa kale oo uu ku
eedeeyay Madaxweyne Biixi in uu codsaday in lacagtii dowlada Soomaaliya iyo
ganacsatadu ku caawiyeen gubashadii suuqa Waaheen, loogu shubo akown shakhsi
ah.
Wali xukuumada
Somaliland wax jawaab ah kama bixin eedaha uu xildhibaanku usoo jeediyay
Madaxweyne Biixi.