Jubaland Oo U Jawaabtay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni

0
Friday June 16, 2023 - 08:38:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubaland Oo U Jawaabtay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni

    "hadalka madaxweynaha Puntland uu yahay mid uu isleeyahay armaad shacabka reer Geddo taageero kaga heshaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"hadalka madaxweynaha Puntland uu yahay mid uu isleeyahay armaad shacabka reer Geddo taageero kaga heshaa"


Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo oo ay magacaabeen maamulka Jubaland ayaa naqdiyay hadalkii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi deni ee ahaa in gobolka Geddo lagu qasabayo maamul aysan raalli ka ahayn.

 

Gudoomiye ku xigeenka Cisman Xaaji Nuur waxa wareysi uu BBC siiyay ku sheegay in hadalka madaxweynaha Puntland uu yahay mid uu isleeyahay armaad shacabka reer Geddo taageero kaga heshaa kadib markii siyaasaddiisa ay ka hgor yimaadeen Dawlad Goboleedka Jubaland iyo Dowladda Federaalka ah.

 

Reer Geddo wax ka halaysan malaha, madax baa xukunta uu ugu horeeyo madaxweynaha Dowladgoboleedka Jubbaland iyo maadxweyne ku xigeen, markaas wax dhib ah oo ka jira ma laha ayuu hadalkiisa ku daray Cismaan Xaaji Nuur

 

Mar uu ka jawaabayeey su’aal ahayd in madaxweynaha Puntlad waxa uu ka hadlayey ay ahayd in dadka Reer Geddo lagu qasbayo maamul aysan raalli ka ahayn, waxa uu kaga jawaabay oo uu yiri "Dadka Reer Geddo wax aysan rabin meeshaan ma yaalaan”.

 

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayeey hoostagaan dadkan Geddo ayuu yiri muddana Cismaan Xaaji Nuur oo intaasi ku daray in dad yar oo shaqsiyaad ah oo horey xil ugasoo qabtay Jubaland oo haddana aan wax xil ah hayn ay hadda qeylada wadaan, kuwaas oo booskoodii ay ku jiraan buu yiri dad iyaga matala . 


Loading...
Loading...