Dad Ka Badan 80 Ruux Oo Tahriibayaal Ah Oo Ku Geeriyooday Xeebaha Giriigga.
Ugu yaraan 79 qof ayaa
ku dhintay halka in ka badan 100 qofna la soo badbaadiyay kaddib markii doon
nooca kallumaysiga ah ay saarnaayeen ay ku qaraqantay Koonfurta xeebta
Giriigga.
Dadka ka badbaaday
shilkaas iyo mas'uuliyiinta Giriigga ayaa sheegaya in boqolaal kale oo
muhaajiriin ah ay saarnaayeen doontaasi degtay.
Dowladdu waxay sheegtay
in tani ay tahay musiibadii ugu weynayd ee ay wajahaan dad muhaajiriin ah,
waxayna ku dhowaaqday sadex maalmood oo baroor diiq ah.
Muhaajiriinta ayaa la
sheegayaa in badankood ay ka kala yimaadeen Suuriya Masar iyo Pakistan.
Tiro badan oo
tahriibayaal ah ayaa ilaa iyo haatan la baadi goobayaa kuwaasi oo raq iyo
ruuxba la la’yahay.
Jaaliyadda Giriigga ee
Soomaalida ayaa ku warrameysa in ilaa iyo haatan aan lalasoo sameynin wax
xiriir ah iyadoo xilliyada ay dhacaan musiiboyinkan loo sheegi jiray in jiraan
Soomaali ayna soo xaqiijiyaan.
Ciidamada ilaalada ee
Giriigga ayaa ilaa haatan sameynaya gurmad deg de goo loo fidinayo
muhaajiriinta.
BBC