IGAD oo Xalka Laasacaanood ku Sheegay Talaabo Xukuumadu Somaliland Shan Bilood Horteed Ku Baaqday

0
Thursday June 15, 2023 - 10:52:02 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    IGAD oo Xalka Laasacaanood ku Sheegay Talaabo Xukuumadu Somaliland Shan Bilood Horteed Ku Baaqday

    Talaabada IGAD ee xalka Laascaanood ayaa la mid....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaabada IGAD ee xalka Laascaanood ayaa la mid....


Urur-goboleedka IGAD ayaa soo jeediyey in xalka khilaafka Laascaanood loo maro dariiqa wada hadalka.


 

War murtiyeed ka soo baxay shirweynahii 14aad ee Madaxda Urur-goboleedka IGAD ku yeesheen dalka dalka Jabuuti ayaa qodobadii laga soo saareeay qeyb ka ahayd xalka mowqifkooda khilaafka Laascaanood iyo xabad-joojin ay ku baaqeen.



 

War muriyeed dheer oo xubnaha IGAD dhamaadkii kulankooda soo saareen 12 June, 2023 ayey ku yidhaahdeen mowqifkooda xalka Laascaanood; sidan "Waxay ugu baaqeen dhinacyada ku dagaallamaya Laascaanood inay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadka wadahadal iyo wada-hadal;


 

Talaabada IGAD ee xalka Laascaanood ayaa la mid ah mowqifkii xukuumada Somaliland shan bilood horteed ka soo saartay xalka Khilaafka Laascaanood, wallow Garaadada iyo guddida 33-ka nin ee Gobolka Sool marar kala duwan gaashaanka ku dhufteen aqbalaadiisa.

Loading...
Loading...