Muxuu ahaa shirka dhex maray Farmaajo iyo Muuse Biixi ee hadal heynta dhaliyay?

0
Thursday June 15, 2023 - 10:14:56 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muxuu ahaa shirka dhex maray Farmaajo iyo Muuse Biixi ee hadal heynta dhaliyay?

    Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaaashiga caalamiga ah...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaaashiga caalamiga ah...


Madaxweynaha Somaliland(bidix

Kulankii madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxwaynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa 11-kii Febraayo 2020 ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.



 

Farmaajo wuxuu xilligaas Addis Ababa u joogay shirka sannadlaha ah ee madaxda Midowga Afrika. Dhanka Somaliland, horey ugama qeybgali jirin kulamada AU, markaasna ma caddeyn sababta uu Muuse Biixa u tagay halkaas.


 

Kulankaasi oo xilligaasi aan faahfaahin badan laga bixin ayaa waxaa sida la sheegay uu socday muddo nus saac ah.


 

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaaashiga caalamiga ah ee Somaliland ee xilligaas, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa maalmo kadib magaalada Hargeysa shir jaraa'id ku qabtay waxaa uuna sidoo kale dhankiisa xaqiijiyay kulanka dhex maray Biixi iyo Farmaajo, inkastoo uu ka gaabsaday inuu xogta oo dhammeystiran bixiyo.


 

Yaa garwadeen ka ahaa?


 

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xilligaasi ka hadlay kulankaasi sida uu ku yimid ayaa sheegay inuu ahaa mid aan la sii qorsheyn oo si kadis ah ku dhacay.


 

Madaxwayne Biixi ayaa sheegay in farriin casuumaad ah ay uga timid xafiiska ra'ii'sul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed islamarkana uu halkaasi u tagay la kulankiisa.


 

Waxaa uu intaa ku daray in markii uu xafiiska raii'sul wasaaraha uu gaaray lagu wargaliyay in madaxweynihii xilligaas ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isna imaanayo xafiiska.


 

"Salaan iyo kaftan ka bacdi waxaa uu ii sheegay (Abiy Axmed) in madaxwaynihii Soomaaliya Farmaajo-na uu soo galayo oo uu dhexda ku soo jiro, markiiba isna waa yimid," ayuu yiri Mr Biixi.


 

Muuse Biixi Cabdi ayaa xusay in isaga, Farmaajo iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya ay halkaasi ku yeesheen kulan saddex geesood ah.


 

"Saddexdeennii halkaas waxaan ku galnay shir aaan anigu kolay aan qorshihiisa horey u sii ogeyn kana diyaar garoobin aana maankana ku hayn inuu sidaas fudud shirkaasi u dhacayo, waase ku mahadsan yahay ra'iisul wasaaraha Itoobiya haddii uu sidaasi noo ixtiraamay," ayuu intaa ku daray.


 

Maxaa ka soo baxay shirkaas?


Biixi ayaa farta ku fiiqay in aysan jirin qodobbo ay shirkaasi uga wdahadleen oo aana ka ahayn in Abiy uu soo jeediyay in uu labada dhinac dhexdhexaadiyo taasi oo isaga iyo Farmaajo labadaba aqbaleen.


 

"Ra'iisul wasaare Abiy ayaa waxaa uu yiri waxaan doonayaa oo aan diyaar u ahay inaan dhexgalo dhibaatada dhex taalla Soomaaliya iyo Somaliland, way raagtay waa arrin Afrika u taalla waa arrin Geeska Afrika u taalla marka arrintaa waan galayaa, haddii aan Somaliland nahay waan aqbalayaa inuu arrinteenna soo dhexgalo ra'iisul wasaarah dowladda Itoobiya, Maxamed Cabdillaahi-na waa aqbalay intaa wax ka badan oo barnaamij iyo ajande midna lama galin," ayuu yiri Madaxwayne Biixi.


 

Dhanka kale, afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ee xilligaasi Cabdinuur Maxamed Axmed oo markaas warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay shirka, balse wuxuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo, waxa ka soo baxay.


 

"Farmaajo yuusan noo imaan"


 

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa kaddib kulanka Biixi iyo Farmaajo sheegay in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu Somaliland u sheegay inuu magaalada Hargeysa uu keenayo Maxamed C/llaahi Farmaajo.


 

"Abiy Axmed waxaan leennahay, hanoo keenin Farmaajo,"


 

"Laakiin iyadoo ay wada socdaan Muuse Biixi, midna waan soo dhoweyneynaa, midna soo dhoweyn meyno," ayuu yiri.


 

Wuxuu sheegay inay Somaliland ay ku raacsan yihiin in Farmaajo uusan imaan Hargeysa.


 

"Haddii uu la yimaado dili meyno laakiin madaxweyne uma ictiraafsanin. Ayuu yiri Saleebaan.

Loading...
Loading...