Maxay tahay sababta aabbahan Soomaaliyeed ee 10-ka sano ku noolaa Canada loo soo tarxiilayo?

0
Thursday June 15, 2023 - 10:09:41 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay tahay sababta aabbahan Soomaaliyeed ee 10-ka sano ku noolaa Canada loo soo tarxiilayo?

    Dowladda Canada ayaa sheegtay in 19-ka bishaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Canada ayaa sheegtay in 19-ka bishaan



Dowladda Canada ayaa shaacisay inay dalkeeda ka musaafurineyso Yussuf Madey Maxamed oo dalkaas ku noolaa muddo ka badan 10 sano, kaddib markii waaxda qaabilsan arrimaha xuduudaha dalkaas ay sheegtay inuu ka been sheegay imaanshiyahiisa Canada.


 

Waxaa ay sheegtay inay dib ugu celinayso dalka Kenya oo uu hore qaxooti ahaan u degennaa muddo dheer, baasaboorkeedana uu ku soo galay dalka, balse Yussuf waxaa uu ku doodayaa in dhalashadiisu tahay Soomaaliya isla markaana uu xaalad adag ku wajahi doono Kenya hadii halkaa loo musaafuriyo.



 

Dowladda Canada ayaa sheegtay in 19-ka bishaan dalkeeda ka masaafurinayso Yussuf Madey Mohamed oo ah aabbe Somaaliyeed oo haysta 5 caruur ah, kuna noolaa magaalada Edmonton 10-kii sano ee lasoo dhaafay. Yussuf Madeey oo la hadlay BBC-da ayaa go,aanka dowladda ku tilmaamay cadaalad darro, uuna ka xunyahay in isaga iyo ilmihiisa la kala wado.


 

"Waxaan u arkaa diris caddaalad darro ah, nin reerkiisa iyo ilmihiisa laga diraya uma arko wax saxan, waa arrin xanuun igu reebeysa waadna garan kartaa dhibaatada aabbe xaaskiisa iyo ilmihiisii uu jeclaa laga qaadayo. Waxaa codsan in cidwalba oo wax ka qaban kartaa arrintan iga caawiso iyadoo la ilaalinayo qalbiyada ciyaalkeeyga xaaskayga iyo keygaba oo ay noo daayaan inaan wada noolaanno,” ayuu yiri Yussuf Madeey


 

Sidoo kale Xaliimo Ibrahim Cali oo ah xaaskiisa ayaa tallaabada dowladda cadaalad darro ku tilmaantay iyadoo codsi u dirtay dowladda Canada.


 

"Waxaan u arkaa arrin aan caddaalad ahayn sababtoo anigoo risboonsaray ninkayga in la’iga celiyo. Dadna wey soo qaadayaan dadna waa ay celinayaan, wasiirka maalin hore waxa uu ka hadlayay in dadka lammaanaha isku keeni doono oo 30 maalmood loogu soo jawaabayo wax markuu xareysto. Wasiirada Kanada waxa aan ka codsanayaa inay qoyskayga ii daayaan sababtoo ah makala maaranno qoys baanu nahay mana ku noolaan karo waddanka keligay,” ayay tiri Xaliimo Ibrahim Cali.


 

Hay’adda Xudduudaha ee Canada Boarder Service Agency ayaa sheegtay in Maadey uu ka been sheegay imaanshihiisii Canada, uuna haysto passport-ka Kenya, balse Yussuf Madeey ayaa isagu ku doodaya inuu dhalasho ahaan kasoo jeedo Somaliya haddii loo qaado Kenyana ay naftiisu khatar ku jirto. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu dhamman cadaymihii loo baahnaa la wadaagay laamaha socdaalka ee dalka Canada, balse arrintaas aysan waxba iska badalin.


Somali badan oo kasoo horjeeda dib u celinta ninkaan ayaa isugu soo baxay magaalada Edmonton, waxaana dadkaas ka mid ahaan Guuleed Qaasim oo dowladddii hore ee Hassan Sheikh ahaa wasiirka boostada iyo isgaarsiinta. Guuleed ayaa sheegay in arrintaan aysan gaar ku ahayn Maddeey oo kaliya, balse ay dhibaato ku tahay dhamman Soomalida dalkaas.


 

"Waa arrin aad iyo aad no dhaaweysa haddii aanu nahay Soomaalida ku nool Canada dabcan Soomaalida deggan intooda badan isboonsar qaxootinimo ayay ku yimaadeen marka haddii qoyskan lakala diro waxay tusaale u noqoneysa dhammaan Soomaalida, Afrikaanka iyo guud ahaan Muslimiinta annaga ma aragno sabab sharciyan iyo sabab kale oo ninka waddanka 10 sano joogay oo ilmihiisa korsanayay waddanka looga tarxiilo,” ayuu yiri Guuleed.


 

Dhanka kale Maxamed Doolli oo ah garyaqaan ka hawl galayay in k abadan 20 sano magaalada Toronto ee gobalka Ontario ayaa BBC-da u sheegay inuu jiro qodob tix galin gaar ah siinaya dadka wajahaya caqabadaha noocaan oo kale ah ee socdaalka.


 

"Run ahaantii kiiskan si gaar ah ugama hadli karo sababto ah waxyaabo badan ayaa quseeya laakiin guud ahaan qofka haddii uu caruur Canada ku dhalay, 10 sano uu waddanka joogay dambi uusan ka gelin, canshuur bixinayay, bulshada ka mid noqday inta badan ma dhacdo qof noocaas ah in waddanka laga saaro. Waxaa kiis la yirahdo Beka oo of sidaan oo kale ah caruur waddanka ku dhalay laga saarayay oo ay maxkamad ka joojisay iyadoo sheegtay inaysan u qalmin in caruurta iyo aabbahood lakala foogeeyo marka isagoo Beca tixraacayo waxay qareennadiisa waa ay joojin karaan,"


 

"Marka la yirahdo nin Soomaali Kenya mala celin karaa "Haa" waa haddii ay oggolaato oo ay tirajdo hebel, hebel waddankayga ayuu ka tirsan yahay."


bbc/somali

Loading...
Loading...