Maayarada Magaalooyinka Dalka oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha ah ee Shaqaaqadu Ku Dhexmartay Hawdka Burco

0
Thursday June 15, 2023 - 10:06:29 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarada Magaalooyinka Dalka oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha ah ee Shaqaaqadu Ku Dhexmartay Hawdka Burco

    Warmurtiyeed ay shalay soo saareen Maayarada Magaalooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warmurtiyeed ay shalay soo saareen Maayarada Magaalooyinka



Maayarada Magaalooyinka dalka ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha Waalaalaha ee dhawaan shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka Cali Saahid ee hawdka Magaalada Burco ee ka tirsan Gobalka Togdheer.


 

Warmurtiyeed ay shalay soo saareen Maayarada Magaalooyinka ayaa waxa ay ku sheegeen in Urutka dawladaha ee Somaliland ay taageersanyihiin dadaalada ay waydaan ergooyinka nabada iyo Xukuumadda Somaliland ee ay ku doonayaan in lagu soo afjaro shaqaaqo hawdka Burco ku dhex martay labada Beelood oo walaala.



 

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo akhriyay Warmurtiyeed Maayarada dalka ka soo saareen shaqaaqo hawdka Burco ku dhex martay labada Beelood ee walaalaha ah ayaa u dhignay sidan. "Ururka dawladaha hoose waxa ay aaminsanyihiin in mbada Burco ay tahay nabada Somaliland, waxa mudooyinkii ugu dambeeyay ka jiray hawdka Burco Colaado keenay qax dhimasho iyo dhaqaale burbur.


 

Ururka dawlaha hoose waxa ay nabad ugu baaqayaan beelaha walaalaha ee colaadu ku dhex martay hawdka Burco, dawladaha hoose ee Somaliland waxa ay taageersanyihiin dadaalada ay wadaan ergooyinka nabada iyo Xukuumadda Somaliland.


 

Ururka dawlaha hoose waxa uu uga mahadnaqayaa beelaha walaalaha ee ku dagaalamay hawdka Burco in ay kala qaadaan Ciidamada,oo ay joojiyaan xabada waxaana ugu baaqaynaa beelaha walaalaha inta hadhayna in ay dhamaystiraan.wixii qabyo ah ee jirana si degdega u dhameeyaan, Ururka dawladaha hoose waxa uu xusuusinayaa shacabka reer Somaliland in dalka lagu horumarinayo nabad.waxa aanu ku ducaynaynaa in labada dhinacba ergada aqbalaan oo nabadu xidhanto,

Loading...
Loading...