Madaxweyne Muuse Bixi Isa Sheeg Inta Aan Cid Kale Sheegin ?

0
Wednesday June 26, 2019 - 11:07:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Bixi Isa Sheeg Inta Aan Cid Kale Sheegin ?

    Madaxweyne Muuse Bixi ma been baa loo sheegay wareegtadiisi hirgayshay Xalada Ded-deg aheyd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Bixi ma been baa loo sheegay wareegtadiisi hirgayshay Xalada Ded-deg aheyd

mise waa iska riyooday!  Siddan haddii Madaxweyne Muuse xaalkiisu yahay , waxa shaki-weyni ka iminaya xagga fahamka Sharciga iyo sidda loo raaco looguna shaqeeyo.

"Sidda hadda muuqata Siilaanyo ayaa gu,u u curtay ayaa la odhan karra" marka  dib u eegis laggu sameeyo xanti siilaanyo .

Waxa   aad iyo aad ayey Ceeb iyo Aqoon la,aan ugu noqonaysa marka Madaxweynuhu waxyaabahan oo kale la soo shir-taggo Madaxweynimadiisa.

Ta uu Maanta ku dhaqaaqay waxay ku habooneyd isla Maalintii Golaha Wakiilada maqaarsar ka ahi ay diideen inuu soo saaro wareegta  uu maant la shir iyo labba bilood ka dib .

Ta kale ee cajab ta  ahi waxa uu warqada Maanta ku qoray  inuu isaggu  Madaxweyne Muuse Bixi ahaan oo laalay go,aan kii hore uu soo saaray.?

Haddii Madaxweynuhu go,aankiisa marna soo saari karro marna laali karro munaasibba ma heyn inuu golaha Wakiilada horgeeeyo ,balse waxa ay ahayd sidda uu wargelinta amma la socod siinta Maanta,  uu sameeyey inuu sameeyo ayeey aheyd ee ma ay aheyn inuu Golaha Wakiilada horgeeyo.

 

Arimaha kale ee soo baxay iyagann waxa ka mid inaan Md Muuse Bixii Cabdi aad uga aradan yahay xaladaha Dalku sugan yahay,  tusaale ahaan : dhacdan uu Maanta ka falcelinaayo waxay daah ka rogaysa moognaan badan iyo ka war-qabbid la,aan laxaad leh Madaxweyne Muuse Bixii la soo gudboonaatay .   Taa cadeynteedu waxa weeye inuu u qaatay in Xalada Deg deg ah ee uu ku dhaqaaqay hirgasha, siddii ay ahayd na loogu dhaqamay amma loo dhaqan geliyey ku dhamaan Haya,daha kala duwan ee Qaranka mid waliba waajibaadkeed siddu ahaa u buuxisay, waa halkan halka Su,aasha isweydiinta ka iminaysa? Waxa la ogsoon yahay in 65% ay diideeen Fadhigii Golaha Wakiiladu yeeshay oo Sharciyan  Meel marinteeda koobaad ka bilaamayso .  Waa lagga dheregsan yahay wax ka suuro-galay inaanu jirin  marka laga reebo inuu Madaxweyne Muuse Bixi  riyooday  isagga oo soo jeeda  halkan u  is moodsiiyey in sidda aan sharciga iyo dastuurka waafaqsaneyn uu ku hirgashay waregtadisi aan markii horeba  baran dega badan lahayn  soo saaristeedu aheyd  mid deg iyo amar bixin ku saleysan .

 

Waxa Madaxweynaha iyo Xukumadiisa ka muuqda inay ka tahay is yelyel iyo inaya ka tahay in xaal sida ka yahay .

Ta hore hadii is yelyel ka tahay waxa Dalka iyo Ummadiisa Wanaag iyo horumar leh , siddo kale tii Muuse Bixii loo doortay maha laggana filayay waa ku qadaf iyo khalad  xagga Qaranka  ka jid baxeedana iyo  kala xisaabtankeed waa mid ummda ku waajib ah inay wax iska weydiiso  .

Ta labbaad haddii Aqoon Caqli iyo Garaad sidda ka yahay Madaxweyne iyo Xukumadiisa waa lagga hawl geli karra waxyaabaha aanay go,aan ku haboon qaadan karrin inay Aqoon yahanka iyo Dadka Maamulka iyo shuruucdiisa sidda laysugu jaan-gooyo ha u bandhigaan inay u bandhigaan ayaa la gudboon  waxii maanta ka danbeeya si lo helo loona gaadho  horumarinta Qaranka iyo Ummada .

 

                              Gabbo gebbadii iyo Gunaandka.

 

 Waxa aan xasuustay Khudbad uu ka jeediyey Hogaamiyah Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan wakhtigii ololah doorashada Degmada Caynab. Khubada waxa nuxurkeedu aha mid Xirsi si dadban oo ugu duur-xulayey qofka inaan Muuse Bixii ka wanaagsan doonin Axmed Siilanyo : Waxan ka mid ahayd erayda uu laha "Hadda eega oo dhugta waxa la idin leeyahay Muuse ayaa Siilaanyo ka wanaagsanaya Berri " Hadda u fiirsada oo dhugta. Halka iyadaha Arimihi Xisrsi tibaaxayey waxa filaya in qaarkood aynu aragnay , in kasto anaan ku raacsan arinta aha ma wanaagsan doono uu hadalkiisu u jeedkiisu u jan-jeeday.

Waxa kale la odhan karra ma jirtee Madaxweyne Muuse Bixii isu sheeg Ummada halka uu ka joogo Aqoon Hogaanimo iyo himiladeeda is maqiiq mooyaan,e.

 

                       Abokor Mohamud

                      [email protected]

               Alle Mahadi u Sugnaatay .



[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...