Garxajisow yaan lagu khiyaamayn. W/Qorey: Asad Adaani

0
Wednesday June 14, 2023 - 18:03:03 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garxajisow yaan lagu khiyaamayn. W/Qorey: Asad Adaani

    Abtiyaal waxaan idiinku dhaaranayaa in aanu u jirin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abtiyaal waxaan idiinku dhaaranayaa in aanu u jirin



Qolada Kulmiye waxay ku leeyihiin ururka wadani wixii Dhulbahante ee la socday waa xadhig furteen oo tolkood ayey raaceen, Ururka Wadanina wuxuu ku leeyahay baleeg inantaasiba waxay ahayd Kulmiye oo isagaa qortay dad aan "Somaliland” daacad u ahayn ayey meel walba geysteen.


Abtiyaal waxaan idiinku dhaaranayaa in aanu u jirin Qof Dhulbahante ah oo " Somaliland” aaminsan, ilaahay markaan ka baqo intaan Isaaq iyo Harti ku dhex jiray waxaan arkay hal qof oo Dhulbahante oo fikirka " Somaliland” aaminsan kaasina waxa dalka ka dhacay maba oga, wuxuu dalka ka tagay lixdameeyadii, Waa ninka Cabdiraxmaan Tuur ka yaabay ee uu mooday in Siyaad Bare u soo diray, 1984 ayuu Liibiya kula kulmay Tuur ninkaasi, markaasuu Tuur ku yidhi SNM ma ku dhawaaqaysaa "Somaliland” Marka Siyaad dhaco , Tuurbaa ku yidhi waar ma Siyaad ayaa iikaa soo diray, SNM waa dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed weligayo Soomaaliya ka go’imayno.



Waxa jooga hadda Faratoon iyo Ina Canbaashaha aad hadda tuurta ku sidataan anigaa idiinka aqoon badan oo idiinka xog ogaalsan maalin kaliya "Somaliland” may noqon, Qaybe wuxuu ahaa ninkii soo ribdhay albaabkasta oo "Somaliland” garaaci karto, intii nin Dhulbahante ah ee Hargeysa joogi jirtay mid aaminsanaa "Somaliland” ma jirin, waxay ahaayeen niman ku sugayey inta Soomaali dhinacuun isu raacayso in ay meesha iskaga qayilaan.


Odayaasha Isaaqa ee xog ogaalka ahaa ayaan aaminsanayn fikirkaas, Tuurbaa markay dhuunta u dhaafi weyday iskaga tagay.


Qaybe oo kale intaanu laanta u diga rogan wuxuu ahaa ninkii ugu dagaalka badnaa sidii "Somaliland” loo curyaamim lahaa, haddana xilligii uu ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada wuxuu u saari jiray abtiyaashay laxanka laanta ee ay jecel yihiin guulna kumay gaadhin, markaasuu weerari jiray odayaasha oo uu odhan jiray hebel saamayn ma leh. 


Maalin ayaa wargeyskii Haatuf Laascaanood noogu yimi, saa waxaa lagu waraysanayaa Qaybe oo dhaliilaya Garaad Cabdiqani oo Laascaanood gurigiisa iska fadhiya, waa 2003 , Wargeyskii ayaan qaaday waxaan ula tahay Garaad Cabdiqani Ilaahay labadoodaba hawnaxariistee, intaanan u tagin Garaadkana waxaan u sii sheegay in aan waraysi ka rabo, waxaa hawlahaa fududeyn jiray Cabdalla Ojlaan oo Garaadku aad u qadarin jiray, Garaadku wuxuu ka hadlay taariikh iyo aragtida uu ka qabo hadalka Qaybe, labadooda midkoodna fikirkaa "Somaliland” ma aaminsanayn.


Hadda waxaan u sheegayaa dadka fikirka "Somaliland” isleh wuu idiin meel marayaa ee xilligan Yaasiin Faratoon ku meeraysanaya waar dhaqaale iyo wakhti hayskaga luminana, Jiilkii Dhulbahante ee waxbadan la saayiri jiray isyeelyeelka duriyada Yaasiin Faratoon ayaa ugu danbeeyey isaguna waa da’ aan saamayn lahayn, Hadda waxaa jooga jiil aan wax naxariisa u ahayn aragtidaa oo aan la saayirayn, oo dhimashana diyaar u ah dagaalkuna dhab ka yahay.

W/Qorey: Asad Adaani
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...