Dawladnimadu Maaha Dirac La Kala Dilaalo. W/Q: Ahmed Harir Adam
Ugu horayn, Dawladnimadu waa tiir ku qaali ah ah bulsho wayn kasta
oo
aasaastay dawladnimo ay ku gaadhaan guulo iyo horumar la taaban karo,
la.aanteedna aan la awoodin gaadhisteeda tab iyo xeelad kasta oo la
adeegsado.
Dawladnimo waxay u baahan tahay Hogaan ay daacad ka tahay hogaamintu
jecel horumarka bulshada kana fogaada wax kasta oo hagar daamo ku ah
bulshada uu madaxda u yahay, aan jeclayn xilka se jecel gaadhsiinta
bulshada heer la majeerto.
Dawladnimo waxay u baahan tahay bulsho fahamsan dawladnimada adeecaysa
hogaankooda kalana shaqaynaysa horumarka iyo gaadhida himilooyinka
bulshadani leedahay.
Dawladnimadu dhaba waxa lagu gaadhaa wada shaqayn, laab xaadhnaan,
isla xisaabtan, calool furnaan, isu tanaasul iyo is gacan qabsi, se
laguma qaadho aflagaado, nin jeclaysi, qabyaalad iyo ka faro qabsi
toona.
Soomaliland ahaan dawladnimada waxa aynu ka dhiganay boos kolba reer
uu ku dilaal tago inta uu xilka hayana kaga faa,idaysto danahiisa iyo
danaha reerkiisa sida; siinta ehelkiisa iyo qanacsatada isku reerka
yihiin Mashaariic aan umada kale la siin oo ay u tahay naas nuujin iyo
ka faa,idaysasho mudada xil haynta. Waxaana gaadhey heer qabiiladu ku
heshiiyaan in dawladnimada qori isu dhiib ugu heshiiyan si ay iyaguna
markooda hasha u maalaan, oo ay uga faa,idaystaan mudadaas ay maamulka
hayaan.
Inta aynu dawladnimada dano gaara ka leenahay, ma awoodno in horumar
ka samayno ku kasta oo yimaadana kuma fikirayo horumarinta bulshada iyo
dadka uu masuulka ka yahay ee dhiban balse tiisa ayaa cuslaysay ok wuxu
ku dedaala intaanu ka tagin sidii uu uga faro qabsan lahaaa. Shakhsiga
mudakarka ah ee ka fogaata xoolaha ummada, madax dhaqameedkiisa ayaa ku
dhaliila waanu ku saarnee maxaad ka qabsatay meesha intaad joogtay.
*ilayn waa duni aakhiru sabaan
*Dadku ay isu muuqdaan
*Oo dadka kii u dhawaa ku eegaayo dhurwaaga.
*Waa duni kii wax taraayey uu ku duloobey agtooda.
*Waa dunni kii wax liqaayey dadka uu u horeeyo.
*Duni weeye dadkeeda qalbigeedu daboolmay.
*Duni weeye dadkeedu ay dugaaga wax dhaamin.
*Duni weeye waanagu gebigeed ka dhamaadey.
Hadaba waxa inala gudboon waqti kale oo aan dawladnimo ku dhisanaa
somaali ahaan inooma hadhin cid inoo dhisaysaana ma jirto ee waxa la
jooga waqtigii dawladnimo saxa oo dadku daacad ka yahay la asaasi laha
oo bulshadu markale ku diirsato kuna gaadho horumarkii ay dib uga
dhacday muddadi ay dhibaatada iyo qaxa ku jirtay.
Ugu dambayn, Alle waxaynu waydiisanynaa in uu masuul nooga dhigo dadka
kooda ay daacad ka tahay dawladnimadu oo umada gaadhsiiya halkay u
ooman tahay oo ah horumar.
Alla Mahad leh
W/Q: Ahmed Harir Adam
Hargeisa Somaliland
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...