"Doorashada Xildh. Batuun Ee Shir-gudoonka Waxay la Macno Tahay Ictiraaf"

0
Wednesday June 14, 2023 - 10:33:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "Doorashada Xildh. Batuun Ee Shir-gudoonka Waxay la Macno Tahay Ictiraaf"

    "Siyaasi Nuur waxa uu tilmaamay in Barkhad Batuun uu yahay hawl-kar"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Siyaasi Nuur waxa uu tilmaamay in Barkhad Batuun uu yahay hawl-kar"



Boorama (HWN) Siyaasiga Nuur Aadan Baraale ayaa maanta ku baaqay in shir gudoonka golaha Wakiilada loo doorto Xildhibaan Barkad Jaamac Batuun oo ka soo jeeda beelaha Gabooye  ee Somaliland, waxana uu siyaasi Nuur Aadan Buraale baaqiisan talo soo jeedinta ah daliil uga dhigay in doorashada Xildhibaan Barkhad Baruun ay tahay mida kaliya ee hor seedi karta ictiraaf caalami ah oo dalku helo.

 

Siyaasi Nuur Aadan Buraale, waxa uu la hadlay mudanayasha golaha Waskiilada Somaliland, waxana uu ka codsaday in maanta ay cadaalada & sinaantu hiil uga baahan yahiin, hiilkaasna uu yahay in ay maanta Xildhibaan Batuun is barbar taagaan.

 

Siyaasi Nuur waxa uu tilmaamay in Barkhad Batuun uu yahay hawl-kar, hiil u ah danyarta iyo danaha Somaliland, islamarkaana xasilin kara xiisadaha colaadeed ka taagan dalka sidoo kalena yahay masuul ka soo bixi kara waajibka loo igmaday.

 

Siyaasi Nuur Aadan ayaa ka mid ah dhalinyarada ugu firfircoon magalada Borama una tartantay xildhibaanimada golaha deegaanka degmada Borama ee u dambeeyay.


Loading...
Loading...