Tiradii Ugu Badneyd Oo Tahriibayaal Ah Oo Halmar Galay Ingiriiska
In ka badan 600 oo
tahriibayaal ah ayaa Axaddii ka tallaabay kanaalka Ingiriiska, tiradaas oo ah
tiradii ugu badnayd ee hal maalin ah ilaa hadda sanadkan, sida ay sheegtay
wasaaradda arrimaha gudaha.
Ilaa 616 qof ayaa la
arkay iyaga oo ka soo safraya dalka Faransiiska waxa ayna wateen 12 doonyood oo
yar yar.
Tiradii ugu badneyd oo
horay loo diiwaan geliyay ayaa ahayd 497 qof Abriil 22.
Tirada guud ee dadka
tahriibayaasha ah ee sanadkan waxa ay ka badan yihiin 8,000 oo qof, kuwaas oo
ilaa 2,000 ka yar intii ay sannadkii hore ahaayeen.
Isagoo ka hadlayay
Dover usbuucii hore, Reysal wasaare Rishi Sunak ayaa sheegay in qorshihiisa
lagu dhimayo tirada muhaajiriinta uga gudbaya Channel-ka ee doomaha uu
shaqeynayo tiradana ay hoos u dhacday markii ugu horeysay.
Mr Sunak ayaa u sheegay
tifaftiraha siyaasada ee BBC Chris Mason in isgoysyada ay hoos u dhaceen shan
meelood meel, iyo tirooyinka dadka Albania ee ku sii jeeda Britain 90%.
Tim Loughton, oo ah
xildhibaanka East Worthing & Shoreham, ahna xubin ka tirsan guddiga
arrimaha gudaha, ayaa yiri "waa inaan waxba ka ogaanin arrintan tiradan
ugu dambeysay "marka laga reebo in aan wali dhibaato ku qabno".
Waxa uu sheegay in
Faransiisku uu u baahan yahay in uu dadka ku xiro xeebaha, oo aanu kaliya la
wareegin doomaha.
Waxa uu intaa ku daray:
"Waxaan u baahanahay in si sax ah loo qoondeeyo waddooyin ammaan ah oo
sharci ah, si magangalyo-doonka sharciga ah ay uga soo codsadaan dibadda."
BBC