Hami Aan Dhamaan Iyo Hagardaamo Shacab. W/Q:Abdirashiid Muuse Aadan.
waxaynu maqalnaa Doorasho ayaa dalka ka dhacaysa sanadkan ,
iskaba daa doorasho e waxay sii fogaynaysaa habkii doorasho udhici lahayd , marka aad eegto is mariwaaga dhanka commisionka lagu muransanyahay ,diwaan galintii shacabka iyo heerka saamiga oo ah mid lagu guul darastay dhamaantood waa wax yaabaha doorashada hortaagan. waxaa ku lamaan xeeladaha dahsoon ee ay xukuumadu mudada ku dheeraynayso.
waxaan hore u soo tilmaamay mashaariicda madhalayska ah ee shacabka lagu
habsaamiyay ee xukluumadiihii kala dambeeyay ku lugooyeen, sida biyaha
iyo wadooyinka oo qaarkood 14 in ka badan kolba dhagax cusub lasii
dhigayo heshiisna loo saxeexayo.
waxaa iyana mashruuc gaara ah doorasha goloyaasha deegaanka iyo
wakiilada oo kuutinaysay shan sano in ka badan gaar ahaan baarlamanka.
hadaba hadaad u kuur gasho dhamaan afcaasha heshiisayada mal awaalka ah
ee xukuumada iyo xisbiyada ka soo fulaya maaha qaar suuragal ka dhigaya
in doorasho dalka ka dhacdo.
iskaba daa doorasho e waxay sii fogaynaysaa habkii doorasho udhici lahayd , marka aad eegto is mariwaaga dhanka commisionka lagu muransanyahay ,diwaan galintii shacabka iyo heerka saamiga oo ah mid lagu guul darastay dhamaantood waa wax yaabaha doorashada hortaagan. waxaa ku lamaan xeeladaha dahsoon ee ay xukuumadu mudada ku dheeraynayso.
taa waxaa garabtaala in aanay jirin mucaarad dhaba ah oo
dawladan gorgortan kula jira dhanka doorashada habayaaraatee oo
waxaabad arkaysaa in ay lugaha isku marteen xisbi mucaarid ah iyo
dawladii oo saacadaha qaar afhayeenka xukuumaduba noqonayo Qay ka mida
mucaaridkii.
gaba gabadii waxaa xukuumadii ka muuqata nidaam african kaas oo
ah kii xukunka la isku dhajin jiray Democracy-gana indhaha laga ridi
jiray , waxaa haboon in xukuumadu shacabka kasbato oo ay dadajiso wixi
doorasho iyo sharci ah waayo shacabka ayay taageero kaga helayaan sidaa.
xukuumadu waxay ka dhigantay sidii nin ceel dul taagan oo wadaan
ku riday oo wadaantii soo celyay iyadoo madhan dadka kalana ku leh
wadaantu way buuxdaa.!
W/Q: Abdirashiid Muuse Aadan .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...