Suuratul Baqara Aayadda 246 - 251

0
Tuesday June 13, 2023 - 09:23:03 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuratul Baqara Aayadda 246 - 251

    248.Markii uu Dhaaluud uu la dhaqaaqsaday ciidanka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

248.Markii uu Dhaaluud uu la dhaqaaqsaday ciidanka,




246.Ma arkin miyaa kooxdii Reer Bani İsra’il ee Muuse kadib, Nebigoodii ku dhahay ‘Noo magacow Taliye, Si aan jidka Alle ugu dagaalano? Markaas ayaa Nebigoodii waxaa uu ku dhahay ‘’Ka warama haddii dagaal la idinku waajibiyo oo aad dagaalami waydaaan?’’, Waxaa ay dheheen ‘’Maxaa dhacay oo aan jidka Alle ugu dagaalami waynay, İyada oo guriyaasheenii iyo caruurteeniiba nalaga soo saray? Markii dagaalka lagu waajibiyey inyar oo iyaga kamid ah uun mooyee intoodii kale dagaalka way ka jeedsadeen. Alle waa midka si fiican u yaqaana kuwa daalimiinta ah.



247.Waxaa uu Nebigoodii uu ku dhahay ‘’Alle Dhaaluut ayuu taliye idinku magacaabay, Markaasi ayey dheheen ‘’Siddee ayuu Dhaaluut inoogu noqon karaa Taliye, İnnaga ayaa ka mudan Xukunka, Waayo Dhaaluud lama siinin xoolo badan? Waxaa uu Nebigoodii uu ku dhahay ‘’Alle ayaa Dhaaluut idin soo dooray, Dhaaluud Waxaa uu Alle uu u kordhiyey awooda cilmiga iyo jirka, Alle cida uu doono ee adoomadiisi kamid ah ayuu Xukunkiisu siiyaa, Alle waa midka wax weliba yaqaana ee Naxriistiisu waasac ay tahay ayuu ku dhahay.


 

248.Waxaa uu Nebigoodii uu ku dhahay ‘’Calaamada Xukunka Dhaaluut, Waa in uu idin keeno sanquuq,Sanduuq ay Malaa’igtu xambaarsan tahay dhexdiisii waxaa idinkugu dhex jirto Xasilooni xagga Rabbigiinii ka ahaatay, İyo Waxyaabo dhaxal ah oo ay ka tageen Qoyskii Muuse iyo Qoyskii haaruunayaa Sanduuqasi idin dhex ahaan doonta, Haddii aad tihiin kuwo xaqqa rumeynaayo arrintani daliil ayaa idinkugu sugan.


248.Markii uu Dhaaluud uu la dhaqaaqsaday ciidanka, Waxaa uu ciidankiisu uu ku dhahay ‘’Alle waxa uu idinku imtixaani doonaa webi, Haddaba qofkii biyo ka cabaa webiga, Naga mid ma aha, Qofkii biyaha aanan dhadhaminin, Ama ku gaabsada wax la eg hal gacan qaadasho, Annaga ayuu naga mid yahay, İyada oo loo digay inyar oo kamid uun mooyee, İntoodii kale webiga ayey biyo ka cabeen. Dhaaluud iyo kuwa xaqqa rumeeyey ee isaga raacay markii ay Webiga ka gudbayeen, Ayaa waxaa ay ku dheheen (Kuwii dagaalka ka jeedsaday); ‘’Maanta ma jirto awood aan isaga celino Jaaluud iyo ciidankiisii''. Kuwa yaqiinsan in ay Rabbigoodii la kulmi doonaan ayaa ku dhahay ‘’İmmisa koox yar ayaa ka adkaatay idinka Alle kadib koox badan, Alle waxaa uu had iyo jeer uu la jiraa kuwa sabra’’ Ayey dheheen.


248.Markii ay isu soo banbaxeen Jaalluud iyo Ciidankiisii waxa ay dheheen; Rabbiyow, İna sii Sabar badan, Cagaheeniina ku sug jihaadka, Noogana gargaar Rabbiyow qoomkani gaalada ah. (ayey ku duceysteen).


249.Siddaasi darteeda, İdanka Alle waxaa ay ku jebiyeen ciidankii Jaalluud, Daawuudna waxaa uu dilay JAALLUUD, Alle waxaa uu daawuud uu siiyey Boqortinimo, İyo Xikmad, Waxaa uuna Alle baray wixii uu doono, Haddii uusan Alle dadka qaarkood qaarkood kale uusan isku leexin lahayn, Dhulka oo dhan fasahadaad ayaa qabsan lahaa, Balse Alle waxa uu ahaaday mid Nooleyaasha caalamka oo dhan (qaarkood qaar kale) dheeraadsiin badan.


250.Haddaba kuwaasi aan kuugu aqrineyno waa Aayadaha dhabta ah ee Rabbigaagii, Shaki la’aan! Waxaad Adiguna kamid tahay Rasuuladii la diray.


251.Kuwanina waa Rasuulo qaarkood qaar kale aan kala sareysiinay, Waxaa Rasuulada kamid ahaa kuwo uu Alle la hadli jiray, Kuwa uu Alle darajadoodii sare uu u qaaday, İnankii Maryama ee Ciise waxaan siinay Aayado cadcad, Waxaan isaga ku xoojinay Ruuxda Quduuska, Haddii uu Alle doono (Ummadaha) kuwii gadaashoodii yimid qaarkood qaarkood kale isma ay dileen marka uu xaqqa uu u yimid kadib, Balse iyaga dhexdoodii ayaa iskhilaafay (Xaqqa marka uu u cadaaday), Waxaa ka kamid ah kuwa xaqqa rumeynaya, Waxaa kale oo kamid ah kuwa diiday xaqqa oo ku gaaloobay. Haddi uu Alle doono dadku isma ay laayeen (Ummad xaqqa ku mideysan ayuu ka dhigi lahaa), Balse Alle sidda uu doono ayuu sameeyaa.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...