Sweden Oo Sharciyo Cusub U Samaysay Caydha & Saamaynta Uu Ku Yeelanayo Somalida
Xukumadda Sweden ayaa
doonaysa in ay baarto qiyaasta lacagaha ku baxa dadka qaxootiga ah ee loo
yaqaanno cayrta.
Dowladda ayaa
qorsheyneysa in la xaddido qiyaasta lacageed ee ku baxda dadka magan-gelyo
doonka ah ee ku nool dalkaasi oo ay Soomaalidu qayb ka yihiin.
Arrintan ayaa loo arkaa
in ay tahay mid dhiirri gelineysa dadka soo galootiga ah si ay shaqo u
raadsadaan isla markaana ay uga maarmaan ku tiirsanaanta dhaqaalaha dowladda ee
cayrta.
Wasiirka maaliyadda ee
Sweden ayaa tiri "Ma aha wax wanaagsan in carruurtu ay ku garaadsadaan waalidka
oo guri joog ah isla markaana aan shaqo tageynin.”
Arrintan ayaa la
rumeysanyahay in ay saameyn ku yeelan doonto qoysaskii heli jiray lacagaha
cayrta ah oo Soomaalida ku nool dalka Sweden ay ka mid yihiin.
Wariye Maxamed Amiin oo
ka tirsan raadiyaha Sweden isla markaana arrintan uga warramay BBC Somali ayaa
ugu horreyn faah faahin ka bixiyay waxa ay tahay lacagtan kaalmada ah ee ay
dowladdu sheegtay in xaddidayo.
"Deeqahan waxa ay ku
yimaadaan wajiyo kala duwan, waa kaalmooyin kirada lagu kabo oo dadka qoysaska
leh la siiyo, waa daryeel carruurta la xannaaneynayo lacago lagu siiyo, sidoo
kale marka ay hooyadu dhasho illaa muddo labo sano ah waa in ay guriga joogto
si ay ilmeheeda u nuujiso taasina lacago ayaa lagu siiyaa, iyadana waxaa jirta
lacag daryeelka ilmaha lagu bixiyo marka qaababka lacaga lagu bixiyo wey
badantahay,”
Qoysaska Soomaalida ah
ayaa la rumeysanyahay in ay kamid yihiin dadka dhala tirada ilmaha ugu badan
taasi oo keeneysa in qoyska Soomaalida ah lacag badan ku helaan ilmahooda.
Wariye Amiin oo markale
sharraxaya ayaa yiri "Ilmaha lacagta lagu bixiyo marka uu ilmo cusub kusoo
kordho wey badaneysaa tusaale ilmaha 1-aad waxa lagu bixiyaa lacag gaareysa
125$, cunug walba oo reerka u dhasha lacag ayaa kusii kordheysa, qoysas waxaa
jira illaa sagaal carruur ah heysta oo lacagahooda marka la isugu daro kaalmada
guriga, xannaada cunugga iyo daryeelka naas nuujinta, lacagta waxa ay
noqoneysaa mid aad u badan oo ku dhow illaa 4000$, dowladdu marka waxa iminka
tiri waa in la sameeyaa xad, si walba oo qofku ku helo kaalmo waa in aysan ka
badan qofka shaqeynaya”
Wasiirka maaliyadda ee
Sweden oo is barbardhig ku sameyneysa qoysaska ilmaha badan dhala ee aan
shaqeyn iyo kuwa shaqeeya ayaa shirkeeda jaraa’id waxa ay ku sheegtay in
mararka qaar kuwa aan shaqeyn ka lacag badan karaan taasi oo keeneysa go’aanka
baaritaanka ee lacagaha caawinnta ah.
Qoysaska Soomaalida ah
ayey sioo kale saameyn weyn ku yeelan kartaa arrintan maaddaama qaarkood ay
yihiin kuwo ku tiirsan caawinta dowladda.
"Soomaalida iyo
qoysaska kale ee ajaanibta ah waa kuwa inta badan dhala carruurta badan,
ujeedka arrintan loosoo saaray waa in lacaga badan ee ku baxaya reerahaasi ay
yaraato iyadoo Soomaaluduna safka hore ayey kaga jiraan” ayuu yiri wariye
Maxamed Amiin.
Reysal wasaaraha Sweden
Ulf Kristersson ayaa isagu sheegay in loo baahanyahay in cid waliba oo shaqeyn
karta ay shaqo tagto, sidoo kale waxa ugu baaqay in is dhexgal la sameeyo lana
baabi’iyo xaafadaha loogu magac daray kuwa saboolka ee deeqaha oo kaliya laga
qaato.
Soomaalida ayaa la
sheegayaa in ay soo dhaweeyeen hadalka dowladda oo ay sheegeen in ay shaqooyin
u baahan yihiin.
Wariye Maxamed Amiin oo
ka warbixinaya falcelinta Soomaalida ayaa yiri "Soomaalida in badan oo kamid ah
waxa ay uga fal celiyeen si wanaagsan, waxa ay leeyihiin waan dadaalnaa oo
shaqooyin ayaan raadinna waana arrin fiican in helitaanka shaqooyinka la
fududeeyo, dabcan waa ay jiri karaan dad badan oo aan ku faraxsaneyn, dd waxaa
jira kula wadaagaya fikrado raqiis ah oo ku dhahaya haddii aad shaqeyso iyo
haddii kalaba lacagta waa isku mid laakiin intooda badan waa ay soo dhoweeyeen
Soomaaliduna suuqyada shaqada dhawaanahanba waa kuwo si wanaagsan uga dhex
muuqda.”
Dowladda Sweden ayaa
haatan ku howlan in la baaro qiimaha lacageed ee ku baxa caawinta soo galootiga
balse baaritaanka kadib ayey u muuqataa in dowladdu ay soo saari doonto
go'aanka lagu xaddidayo cayrta.
BBC