Maraykanka Oo Shiinaha Ku Eedeeyey Inay Xarumo Sirdoon Ka Samaysteen Cuba

0
Tuesday June 13, 2023 - 08:15:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Shiinaha Ku Eedeeyey Inay Xarumo Sirdoon Ka Samaysteen Cuba

    "hawl-gallo sirdoon oo Bejieng ay ka waddo caalamka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"hawl-gallo sirdoon oo Bejieng ay ka waddo caalamka"


 


Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Isniintii sheegay in Shiinuhu uu sannadkii 2019, ka sameeyey dalka Cuba ee deriska la ah Maraykanka, xarumo sirdoon oo horumarsan.

 

Blinken ayaa u sheegay weriyayaasha, in markii uu madaxweyne Biden uu xafiiska la wareegay, bishii January ee sannadkii 2021, in lagu wargeliyey "hawl-gallo sirdoon oo Bejieng ay ka waddo caalamka, si ay kor ugu qaaddo hawlgalladeeda basaasnimo ee caalamka.

 

Wasiirka ayaa sheegay, in maamulkii hore ee Biden uu arrintan ka warhayey, hase ahaatee ay u soo baxday maamulka Biden, in Washington aanay xilligaas wax horumara oo wanaagsan aanay ka samaynin arrintan, sidii ay u xakamayn lahayd.

 

Blinken ayaa sheegay in tan iyo xilligaas, uu maamulka uu ka tirsan yahay ay bilaabeen, tallaaboon iyo xeelado cusub oo ay ku xakamaynayaan, arrintan.

 

Blinken ayaa intaas raaciyey, inay la kulmeen madax badan oo caalamka ah, oo xilligaas danaynayey inay marti-geliyaan saldhigyo uu Shiinuhu ka samaysto dalkooda. Wuxuu sheegay in khubarada maraykanku ay garawsadeen, in dedaalada diblomaasiyadeed ee Maraykanku inay hoos u dhigeen isballaadhintii hay'adaha sirdoonka ee Shiinaha.

 

Shiinaha ayaa gaashaanka u daruuray eedaha loosoo jeediyey, ee la xidhiidha, inay hawlgallo sirdoon ka fuliyeen gudaha Cuba, taasoo illaa 160 KM oo keliya u jirta gobolka Florida ee Maraykanka.

 

Warbixintan waxaa qortay VOANEWS



Loading...
Loading...