Lacago Shilin Somali ah Oo Lagu Arkay Wadooyinka Khartoum & Safiir Ka Hadlay

0
Monday June 12, 2023 - 13:02:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacago Shilin Somali ah Oo Lagu Arkay Wadooyinka Khartoum & Safiir Ka Hadlay

    ''Cid joogto oo waardiyeyneysa majirto safaarada,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

''Cid joogto oo waardiyeyneysa majirto safaarada,"



Hargaysa (HWN) Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq oo lahadlayay warbaahinta qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in lacago shilin Soomaali ah oo daabacnaa lagu bililiqeystay dalkaas, kadib markii ay dagaalo culus ka qarxeen caasimadda Khartoum.

 

Safiirka ayaa sidokale sheegay in safaarada loo dhacay oo laba jeer la jabsaday iyadoo dukumentiyo qaar la qaatay halka qaar kalena laga tagay.

 

''Cid joogto oo waardiyeyneysa majirto safaarada, marka laga reebo askarigii oo dharka inta iska bedelay oo meel guri u dhow safaarada ku jiro oo aan bixin karin, qorina aan qaadan karin . Safaaradeena gooni umaha ee safaaradaha kale oo dhan ayaa saas ah'' ayuu yiri safirku.


Loading...
Loading...