Qormadii Dhahar ee Abwaan Gorod Jare :
Meesha aannu joogno waa Dhahar(magaalo-madaxda gobolka Oogo ee Puntland)oo ka mid ah magaalooyinka ugu bilic-weyn dhulkeenna, qof walba oo taga xilliyadaanna marka uu daawado dabeecaddeeda uu ka helo raaxo nafsadeed.
Dhahar waxa ay ahayd waayo badan tusaale dadka qaar u soo qaataan xaaluf, dhuxul-shidid iyo dal markii la gommod-gooyay foolxumaaday, run ahaan se arrintaa buunbuunin intii dhabta ahayd ka badnayd baa hinjisay e, dhul badan oo aan cidi naanaysin baa ka darnaa.
Magaaladaani maanta waxa ay leedahay deegaan gudaheeda iyo hareeraheedaba dhowran, qofka doonaya in uu dalxiisana uusan cabbaar bannaanka aadayn e, magaalada dhexdeeda damallada ku yaal iyo cawska gogosha ah uu ku indho-doogsanayo.
Dadka deegaanku waxa ay sameeyeen toban gu' ka hor halgan ay kaga kula dagaallameen kuwii dhuxulaynayay geedkii nolosha iyo muuqa u ahaa dhulka iyo naflaha, waxaana ay sameeyeen xeerar dhaqan-galay oo aan maalintaa ka dib jabin, haddii cidi in ay jabiso doontana loogu midoobay in gudinta laga qaado, dabeedna ganaaxii loo diyaarshay iyo xariggii xeer-jabinta la mariyo.
Dhahar iyo dadkeeda waan ku bogaadinaynnaa kartidaa ay ku garteen xilkaa weyn, ayna Soomaalida ku dareensiiyeen kaalinta dhirta, mar kalana ugu horseedeen xeerarka iyo dhaqanka ilaalinta geedka.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!