Wafaa, Waafi Dhashay

0
Monday June 12, 2023 - 10:37:07 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafaa, Waafi Dhashay

    Way is bidhaansanayeen oo kaga horree halkaa iyo kaga dambee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Way is bidhaansanayeen oo kaga horree halkaa iyo kaga dambee


Waxay ahaayeen laba loolame oo tartan adagi dhex maray. Hal kursi Baarlamaan ayaa dhex yaalay oo ay u beratamayeen. Qabyaalladdu, cod bixiyaha laysku halaynayay ayay ahayd, siday eeggaba u tahay. Nin waliba, markuu ardaagiisii diyaarsaday ayuu loolan u galay kasbashada codadka kale ee lagu kala badinayo. Waagaasi, ma ahayn cahdigan Somaliland ee wuxuu ahaa millaygii ay jirtay Jamhuuriyaddii Soomaalida (Somali Republic) ee ay ku midoobeen woqooyi iyo koonfur.



Nin waliba siduu isu iibinayo ee uu dadka isaga gadayo ayuu ku dhaqaaqay. Siigadoodaa isu muuqatay markay Hargeysa bari uga baxeen.


Way is bidhaansanayeen oo kaga horree halkaa iyo kaga dambee ayaa xaalkoodu ahaa. Madal ay isku soo gaadhaan iyo mid ay u kala dambeeyeenba way is raad gurayeen. Maaddi ahaan, labadoodu tacliinta umay sinayn, garasho ahaana xeeldheerida aragtida iyo dhaqanka bulsho umay gudboonayn.


Midkood, koodh iyo qoor xidhe qurux badan oo kaladhka shaadhka iyo cunaha is ogolaysiiyay, ayaa muujinayay ilbaxnimada uu magansanayo. Ka kale na, hu'ga uu xidhnaa oo cayn iyo bayd (Tie) ka maarmay ayaa tusmaynayay hiddo aroorka iyo hibada garasho, ee uu ku baadi goobayay guusha. Midba, dhan uu u bursadayba, magansigu tab buu ahaa, irkashaduna nin iyo arrinkii.


Higsigu meel buu ahaa, waxay is daba ordaanba, halkii laysku soo gaadh. Ooshii martida loo ahaa, sheekh iyo shariifba way u soo shireen labadii murashax. Madal baa loo golleeyay, mid kastana dantaa hadal baa la yidhi.


Labada murashax, mid baa habeen iyo laba, hayb ahaan ka kale ka xigay deegaanka. Kaasaa ku horeeyay hadalkii, kuye; "Walaalayaal, aniga iyo hebel codkiina uma gudboonin. Anigaa idin xiga oo xaq u leh, markaa nin kale ku tartami maynee codka i siiya”.


Markuu wadhiisii ritay, ayaa kii kale ka daba kacay, Kuye; "Walaalayaal, horta habeen buu iga kiin xigaa, habeena codkiina ku waayi maayo, ee dan baan ku waayi karaa. Midna waa iga afeefe; ogaada guushayda idinkaa ka dhiman, guuldarrayduna waa waayistiina”.


Midba, tiisii markuu dhammaystay ayay fadhiga isku weheshedeen. Dhawrista, waxa doodahooda kaga soo noqon doonaa, falaadh midba gaarkiisa ugu taagan ayay ka dhignayd. Sooryada, inteedii kale, cabis iyo cunisba markii laysku haasaawiyay ee laga soo jeestay, ayaa waayeel waxgarad ahaa oo hogaanka reerka ahaa jawaab u kacay.


Sidday, dalabka ugu kala horeeyeen isagoo ugu naqaya, ayuu hadalkoodii ka celiyay weedhahan. Kuye; "Inaadeer, dhalasho ahaan abtirsiinta adigaa hebel, habeen naga xiga oo isku qollaynu nahay. Laakiin, maanta dantayada isku qolo ma tihidin.


Reerkayaga codkiisu waa galaan, adna jawaan galaan ku jiro ayaad sidataa, hebelna jawaan galaan ka dhiman yahay ayuu sitaa. Markaa, wafadu inay naga khasaarto ma rabnee, kaa galaanku ka dhiman yahay ayaa dantayadu dooratay ee sidaa raali ku ahow”.


Hadalba gam, sacabkaa isqabsaday, wafo may saqiirin, waafi bay dhashay, codadkuu hore u sitayna way ka qiimo badatay. Laakiin, haddaanay dantoodu is tooyan oo aanay is helin, ismay bixiyeen oo iniba ood bay ku qaadhi lahayd.


Balse, garashaa guuldarro dedafaysay, sedna nin le' asiibtay. Sidaasay ku dhammaatay, oo ay codkii ku bixiyeen, murashaxii wafadoodu badhi taartayna ku guulaystay. Geesta kale; murashixii codkooda waayay, ololihii ma sii wadin ee bartii buu kaga hadhay. Qanac oo qabuul buu yidhi, halhaysna waxa laga hayaa; "Siyaasi, waa isaga (odaygii reerka u hadlay), siyaasaddina tiisa weeye. Waxaan doonayay, waxaan ka bartaa ka badan".


Curin: ka soo jeeda dhacdo hore

Muuse Jaambiir

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...