Manchester City Oo Markii Ugu Horreysay Ku Guuleysatay Koobka Champions League
Kooxda Manchester City
ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay koobka kooxaha horyaallada Yurub ee
Champions League, kadib markii ay 1-0 ku garaacday Inter Milan ciyaartii
kama-dambeysta ahed ee ka dhacday garoobka Ataturk Stadium ee magaalada
Istanbul.
Ciyaaryahanka khadka
dhexe ee reer Spain Rodri ayaa daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta shabaqa ku
hubsaday goolka guusha.
Waxa ay City
dhammeystirtay seddexleey, taasoo ka dhigtay inay noqoto kooxdii labaad ee
Ingiriis ah ee saddex koob ku guuleysata kadib Manchester United oo sannadkii
1999 ku guuleysatay Premier League, FA Cup iyo Champions League.
Laakiin City, oo laba
sano kahor koobkan ay ka qaaday kooxda Chelsea ayaa loo babab dhigi waayay
awoodeeda sanadkan.
Tababaraha City Pep
Guardiola ayaa haatan ku guuleystay seddex jeer koobka Champions League,
waxaana uu ka dhigay 12 koob oo uu City la qaaday.
VOA