Dagaal Dhimasho Sababay Oo Duleedka Hargaysa Ka Dhacay.

0
Saturday June 10, 2023 - 19:22:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 5630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dagaal Dhimasho Sababay Oo Duleedka Hargaysa Ka Dhacay.

    "Dagaalkan ayaa yimid kadib markii uu khilaaf ka dhashay dhul,…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dagaalkan ayaa yimid kadib markii uu khilaaf ka dhashay dhul,…"



 

Hargaysa (HWN) Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa manta ka dhacay deegaanka cunaqabad oo magaalada Hargaysa ujira 7km, kagana began dhanka koofureed.

 

Dagaalkan ayaa wax ku dhintay hal qof, halka dhaawucuna gaadhayo laba qof, waxaana goobta gaadhay ciidamada Booliska Somaliland oo kala dhex galay labada dhinac.

 

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii uu khilaaf ka dhashay dhul, uu dhexmaray laba qoys oo kasoo kala jeeda Beesha Arab iyo Beesha Sacad Muuse.

 

Somaliland ayaa mudooyinkan udambeeyay waxa ku soo badanaya dagaalka beelaha ku dhex mara khilaafka dhulka, waxaana dagaalkan ka horeeyay oo weli aan lagu guulaysan sidii loo soo afjari lahaa dagaal Beelaha Habaryoonis iyo Ciise Muuse ku dhex maray Dhawaan duleedka magaalada Burco, dagaalkaasi oo isna ka dhashay murun dhuleed.

 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office

 


Loading...
Loading...