Turkiga Oo Qabtay Lacag Dhan $1 Bilyan Oo Faalso Ah Oo Loo Waday Afrika

0
Saturday June 10, 2023 - 08:42:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga Oo Qabtay Lacag Dhan $1 Bilyan Oo Faalso Ah Oo Loo Waday Afrika

    "Eedeysanayaasha ayaa la baaray guryihii ay degenaayeen"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Eedeysanayaasha ayaa la baaray guryihii ay degenaayeen"


 


Ciidamada ammaanka dalka Turkiga ayaa magaalada Istanbul ku qabtay lacag dhan 1 bilyan oo dollar oo faalso ah, waxaana sidoo kale la xiray lix qof oo ku lug lahaa howlgalkaasi, kuwaasoo mid ka mid ah u dhashay dalka Ghana iyo saddex qof oo Swedish ah, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka.

 

Ciidamada koofiya casta ayaa dadkan ku raad-joogay, iyada oo markii dambe ay kasoo qabteen goob bakhaar ah oo ku taalla degmada Kagithane ee magaalada Istanbul, halkaasoo ay ku qabteen lacagta boqol-boqolka dollar ah ee been-abuurka ah ee loogu talagalay in loo diro dalalka Afrika, sida uu sheegay xafiisku.

 

Eedeysanayaasha ayaa la baaray guryihii ay degenaayeen, waxaana laga qaatay lacagihii iyo agabkii ay wateen. Qunsuliyada Iswidishka iyo Ghana ayaa la ogeysiiyay qabashada xubnahan.

 

Falkan been abuurka ah ayaa ahaa kii ugu weynaa ee taariikhda dalka Turkiga, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka.

 

VOA


Loading...
Loading...