Golaha Sare Ee Islaamka Dalka Itoobiya Oo War Kasoo Saaray Burburinta Masaajida Dalkaasi

0
Friday June 09, 2023 - 18:09:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Sare Ee Islaamka Dalka Itoobiya Oo War Kasoo Saaray Burburinta Masaajida Dalkaasi

    "xal deg deg ah, taasoo ku saabsan dhammaan su'aalaha masaajidada dadka Mslimiinta ah".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"xal deg deg ah, taasoo ku saabsan dhammaan su'aalaha masaajidada dadka Mslimiinta ah".



Golaha sare ee arrimaha Islaamka ee Itoobiya, ayaa sheegay in 22 masaajid oo ku yaalla maamulka magaalada Sheger ee gobolka Oromada la burburiyay, sababo la xiriira "iyagoo loo dhisay qorshe la’aan iyo sharci la’aan”.

 

Arrintan ayaa laga codsaday gobolka in laga keeno "xal deg deg ah, taasoo ku saabsan dhammaan su'aalaha masaajidada dadka Mslimiinta ah".

 

Wafti uu hogaaminayo Sheekh Xaaji Ibraahim Tufa, oo ah gudoomiyaha Golaha Sare ee arimaha Islaamka Itoobiya, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 01/06/2015 la hadlay madaxa deegaanka Oromada, Shimelis Cabdisa. Wuxuu soo saaray bayaan.

 

Waxaa la sheegay in wada hadal socday muddo shan saacadood ah lala yeeshay madaxa dawladda, kuwaasoo ku saabsanaa burburinta masaajidda magaalada Sheger ee gobolka Oromada ee ku xeeran magaalada Addis Ababa.

 

Wuxuu xusay in doodda ay goob joog ka ahaayeen xubnaha Golaha Sare ee hay’adaha diinta ee ismaamulka Oromiya, iyo waliba madaxda sare ee Oromiya.

 

Golaha sare ee arrimaha islaamka ee Itoobiya iyo shucuubta Muslimka ah, ayaa waxay taageersan yihiin "casriyeynta, horumarka iyo koboca" meel kasta oo dalka kamid ah.

 

BBC


Loading...
Loading...