Hay'adda US/AID Oo Joojisay Gargaarkii Cunto Ee Ay Gayn Jirtay Itoobiya & Sababta.

0
Friday June 09, 2023 - 13:40:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda US/AID Oo Joojisay Gargaarkii Cunto Ee Ay Gayn Jirtay Itoobiya & Sababta.

    "Baaritaan la sameeyay labadii bilood ee la soo dhaafay, ayaa muujinaya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Baaritaan la sameeyay labadii bilood ee la soo dhaafay, ayaa muujinaya"



Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in hay’adda horumarinta caalamiga ah ee USAID, ay go’aansatay inay joojiso cunnada mucaawinada ah ee ay siiso Itoobiya.

 

Tallaabadani, ayaa loo sababeeyey in cunnada mucaawanida ah loo adeegsaday arrimo kale, iyadoo aan gaarin dadkii looggu tala galay.

 

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa afhayeenka ururkaasi, ayaa sheegtay in USAID ay go’aankan u gaartay sababo ka xiriira in "cuntadii mucaawinada ahayd ee la rabay in la gaarsiiyo shacabka Itoobiya, in loo isticmaalay xaddi badan oo kamid ah, wax ka baxsan ujeeddadii looggu talo galay”.

 

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters, ururka RTDO oo sheegay in go’aankan ay la qaateen dawladda Itoobiya, ma sheegin dhinacyada ku lugta leh leexsashada raashinkan mucaawinada ah.

 

"Kadib sahan laga sameeyay dalka oo dhan, USAID waxay qaadatay go'aan adag, laakiin lagama maarmaanka u ah inay sii socoto, illaa isbedel lagu sameeyo hannaanka bixinta gargaarka," afhayeen u hadlay ururka, ayaa ku sheegay email, sida laga soo xigtay Bloomberg.

 

Baaritaan la sameeyay labadii bilood ee la soo dhaafay, ayaa muujinaya in raashinka gargaarka ah ee ay soo iibsadeen deeq-bixiyeyaashu la leexiyay oo la suuq geeyey, mararka qaarna loo diray dalal shisheeye, sida ku cad dukumentiyo soo gaaray Bloomberg.


Loading...
Loading...