Trump Oo Lagu Soo Oogay Dacwad La Xiriirta Sir Qaran Oo Gurigiisa Laga Helay
Xeerbeegti heer federaal ah oo ku sugan gobolka Florida ayaa Khamiistii
ku soo oogtay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump dacwad la xiriirta
inuu gurigisa u qaatay sir qaran oo xasaasi ah, kadib markii uu ka tagay Aqalka
Cad.
Waaxda Cadaaladda ayaa ku wargelisay Trump in dacwad lagu soo oogay,
waxayna ka codsatay inuu kasoo muuqdo maxkamaddii ugu horreysay ee Miami
maalinta Talaadada ah, sida uu madaxweynihii hore ku xaqiijiyay bartiisa
bulshada.
"Maamulka Biden ee musuqmaasuqa ah ayaa ku wargeliyay qareennadayda
in la igu soo oogay dacwad la xiriirta sanaadiiqdii been abuurka ahaa,"
ayuu Trump ku qoray bartiisa shabakadda Truth, isaga oo tilmaamaya sanduuqyo
dukumeenti ah oo FBI-du ay ka qabatay gurigiisa ku yaalla Florida bishii
Agoosto ee lasoo dhaafay.
Eedeyntan ayaa ah mid aan weli la faahfaahin, balse toddobo ka mid ah
warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ay ku
jiraan dambiyo kala duwan.
Eedeynta ayaa Trump ka dhigaysa madaxweynihii ugu horreeyay ee hore ee
maxkamad federaal ah dacwaddiisa loo diro.
Baaritaankii FBI-da ee gurga Trump ee Mar-a-Lago ee bishii Agoosto ee la
soo dhaafay ayaa horseeday in laga helo inka badan 100 dukumeenti sir ah.
BBC