Somaliland Oo Ka Cabanaysa Ciidamada Puntland.

0
Friday June 09, 2023 - 08:35:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Ka Cabanaysa Ciidamada Puntland.

    "Sida kaliya ee lagu xalin karo colaada Laascaanood"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sida kaliya ee lagu xalin karo colaada Laascaanood"



Somaliland ayaa war saxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay ku sheegtay in ciidamo ka tirsan Puntalnd iyo kuwo ka tirsan dagaal yahannada al-shabaab oo qaab qabiil loo abaabulay ay qayb ka yihiin dagaalka Laascaanood.

 

Qoraalka war saxaafadeedka ee Somaliland oo looga jawaabayay bayaan kasoo baxay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa lagu yiri "Caqabadda ugu weyn ee nabadda iyo xasiloonida Laascaanood hortaagan ayaa ah ciidamo maleeshiyaad ah oo ka soo jeeda maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo iyagu si firfircoon u hurinaya colaadda. Waxaa muuqata in dagaal-yahanada Al-Shabaab ay sidoo kale qaab qabiil u adeegsadaan dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan Laascaanood."

 

Sisoo kale Somaliland ayaa sheegtay in sida kaliya ee lagu xallin karo colaadda Laascaanood ay tahay in ciidamada Puntland laga saaro Laascaanood "Sida kaliya ee lagu xalin karo colaada Laascaanood ayaa ah ka bixitaanka ciidamada Puntland ee Laascaanood. Waxaan sidoo kale ka codsaneynaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay taageeraan billowga dadaallada nabada.”

 

 


Loading...
Loading...