Faysal Oo Ka Falceliyay War Saxafadeed Ka Soo Baxay Qaramada Midoobay
Madaxa xisbiga Ucid
Faisal Cali Waraabe oo kafal celiyay war saxafadeed ka soo baxay Gollaha
amaanka ee qaramada midoobay oo ay kusoo dhaweeyeen dadaalada lagu soo afjarayo
dhibaatada ka ataagan Laascanood ayaa sida tan Bartiisa Twitterr-ka ku soo
qoray, ''UNSC ma laha awood sharci iyo mid damiir ah oo ay kaga hadasho
arrimaha Somaliland mar haddii aynaan xubin ka ahayn UN-ta, yaynan isku dayin
in ay kahadlaan meeqaamka Somaliland marka ay wada hadlayaan. Ama qira
jiritaankeena ama wacyigiina naga daaya.''
War saxafaadeedka
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa soo saaray madaxweynaha
golahaas, Lana Zaki Nusseibeh oo ah danjiraha halkaa u fadhida Isutagga Imaaraadka
Carabta waxaa qoraalka lagu sheegay in goluhu uu soo dhaweynayo dedaallada ay
wadaan dowladaha Soomaaliya, Itoobiya, iyo sidoo kale odayaasha dhaqanka ee
lagu raadinayo xabbad joojin laga gaaro colaadda Laasacaanood. Golaha Ammaanka
ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku
barakacay dagaalka oo tiradoodu uu ku sheegay in ay ka badan tahay 150 kun oo
qof.