Qaabka Dawlada Somaliya Uga Hadashay Baaqa Qaramada Midoobay Ee Laascanood
Madaxweynaha Soomaaliya
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, sida lagu
sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.
Golaha Ammaanka ayaa
shalay ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay heshiis xabad
joojin ah gaaraan, waxayna booriyeen wada-hadal loo dhanyahay oo colaadda nabad
ku soo dabbaala.
Xubnaha Golaha Ammaanka
ayaa sidoo kale ugu baaqay Somaliland inay si dhaqso ah ciidamadeeda ugala
baxdo Laascaanood, islamarkaana ay dhinacyadu is xakameeyaan, oo ay joojiyaan
daandaansiga iyo hadallada colaad hurinta ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh
oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xalay madaxtooyada kulan casho kula
yeeshay Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag oo maalmahan ku sugnaa
Muqdisho, si ay xaaladda deegaanka ula wadaagaan Madaxda heer Federaal.
Sida lagu sheegay
qoraalka madaxtooyada, madaxweynaha ayaa ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka
iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro
jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.
"Sidoo kale, Madaxweyne
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada
xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho,
dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda
nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada,” ayaa lagu
yiri qoraalka Villa Somalia.
Magaalada Laascaanood
ayaa waxaa tan iyo bishii Febraayo ka taagnaa dagaallo u dhaxeeya ciidamada
Somaliland iyo ciidamo kasoo jeeda deegaanka, kuwaasi oo ay ku dhinteen
tobanaan qof, kuna barakaceen kumanaan kale.