Magaalo Laga Mamnuucay Guud Ahaan Hilibka Xoolaha iyo Sababta

0
Friday June 09, 2023 - 08:19:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalo Laga Mamnuucay Guud Ahaan Hilibka Xoolaha iyo Sababta

    "Hal qof ayaa ilaa hadda dhintay, waxaana la diiwaan geliyay 13 xaaladood oo looga shakisan yahay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hal qof ayaa ilaa hadda dhintay, waxaana la diiwaan geliyay 13 xaaladood oo looga shakisan yahay"


Waqooyiga Ghana ayaa soo rogay mamnuucida hilibka sababo la xiriira cabsida kudka .

 

iibinta iyo cunista hilibka ayaa muddo bil ah laga mamnuucay gobolka waqooyi ee Ghana, sababo la xiriira cudurka kudka oo ah mid dila xoolaha oo dalkaasi ka dillacay.

 

Anthrax waa cudur bakteeriyo ah oo aad loo kala qaado oo ku dhaca xoolaha oo ay isla maraakan ay u gudbiyaan dadka.

 

Dhaqdhaqaaqa xoolaha sida Lo'da, Idaha, Ariga, Doofaarka iyo Dameeraha, ayaa sidoo kale laga mamnuucay deegaanada Bariga Sare, si looga fogaado faafitaanka cudurka.

 

Hal qof ayaa ilaa hadda dhintay, waxaana la diiwaan geliyay 13 xaaladood oo looga shakisan yahay. Waxaa jira tuhun ah in ay cuneen hilibka lo'da oo qabtay kudka.

 

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 30 neef ay u dhinteen xanuunka kudka.

 

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa ku raad jooga dadka la soo xiriiray waxaana sidoo kale sare loo qaaday dadaallada lagu talaalayo xoolaha si lacag la’aan ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurka.


Loading...
Loading...