DEG DEG Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo soo badbaadiyay Nin Bullaacadi la duntay.

0
Thursday June 08, 2023 - 11:12:41 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo soo badbaadiyay Nin Bullaacadi la duntay.

    Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib gaadhsiiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib gaadhsiiyay


Ciidanka Dab-demiska Hargeysa waxaa Qaylo dhaan Badbaado Nafeed ah looga soo sheegay degmada 26 June nooca badbaadadaas oo ahayd Nin Bullaacad uu ka shaqaynayay ku dhacay lagana soo sheegay lambarka gurmadka degdega ah ee 990.


Ugu horayn Ciidanka ayaa ku baxay isla markii la soo sheegay yeedhmadaa samatabixinta ah, markii uu ciidanku gaadhay goobtaasna waxaa la gudagalay hawlgalkii iyadoo ciidanku adeegsanayo Qalabka lagu badbaadiyo dadka, ayna ka mid ahaayeen Xadhko iyo Salaamo iyo qalabo kale, ugu dambayna hawlgalkaa ayaa ciidanku ku guuleystay inay ninkaa ka soo saaraan godka isagoo badqaba.

Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, maadaama oo dhaawac soo gaadhay ninkaa.

Ninkan godka ku dhacay ayaa ka soo jeeday qoomiyada Oromada ee waddanka Itoobiya.

Ugu dambayn Ciidanka Dab-demiska ayaan ku koobnayn Samatabixinta aafada Dabka balse waxaa ciidanku ka shaqeeyaa Badbaadada waxaana ciidanku ku wacyigelinayaa bulshada inay ka taxadaraan Godadka iyo Musqulaha duugoobay.

No photo description available.
May be an image of 6 people
May be an image of 3 people and hospital

Loading...
Loading...