Mudeyn Xil iyo Mudo Kororsi Waxey Kala Yihiin Laba Wakhtiyo Kala Duwan

0
Thursday June 08, 2023 - 10:27:00 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudeyn Xil iyo Mudo Kororsi Waxey Kala Yihiin Laba Wakhtiyo Kala Duwan

    Mudeynya lagu xadidayo sanooyinka uu xilka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudeynya lagu xadidayo sanooyinka uu xilka

 



Mudo kororsi wuxuu imanayaa marka uu soo dhamaado mudo xileedka qof masuula oo xilka ku yimid doorasho, markaas kadibna isagoo cuskanaya sababa jira awgeed uu mudada xilhayntiisa ku darsado wakhti kooban, taas oo ah mid la aqbali karo marka ay timaado caqabad farsamo awgeed in bilooyin dheeriya ay qaadato geedi socodka loogu jiro hawlaha la qabanayo xiliga kala guurka ama masiibooyin culus oo yimaada dhamaadka mudo xileedka masuulka.



Wakhti kororsiga waxaa ka duwan in mudo cayiman loo qabto xilalka ay hayaan masuuliyiinta, waxeyna taas ka turjumeysaa in dastuurka lagu qeexo taariikhda saxda ah ee la qabanayo doorashooyinka loogu tartamayo xilalka dowladda, kuwaas oo ay ka midka yihiin doorashooyinka golaha deegaanka, gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo gobolada, goleyaasha baarlamaanka maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda dhexe, iyo kan madaxweynaha.


Mudeynya lagu xadidayo sanooyinka uu xilka hayn karo masuuliyiinta tartanka doorasho xaafiisyada dowlada ku haya waa mid loo baahan yahay in si cad dastuurka loogu qeexo, waxeyna sidaas in la sameeyo ay xijaab u tahay iney soo afxiranto dib u soo noqnoqoshada damaca ay madaxdu ku doonayaan mudo kororsiga xilalka ay hayaan, iyagoo qiil uga helaya daldaloolo ay ka dhex helaan dastuurka oo aan heshiis buuxa lagu wada gaarin.


Xildhibaanada, sanatarada, madaxweynaha, madaxda maamul goboleedyada, iyo dhamaan xilalka lagu qabto tartanka doorashada ma lahan tiro u go’an oo uu dastuurku qeexayo oo ay xilalka u tartami karaan, taas oo ka dhigan inuusan jiran xeer xadadaya inta jeer oo masuulku u xilka u tartami karo, taas oo masuuliyiinta siineysa inuu xilka uu hayo inta uu doono inta u nool yahay uu ku soo noqon noqon karo, wadka oo keliyana uu xadidayo u tartamida mudo xileedkiisa is daba xigxiga.


Dastuurka waxaa laga soo curiyey dibeda oo waxaa lagu hirgeliyey qabyo qoraalkiisa si aan sax ahayn oo ay ku jirtey faragelin shisheeye iyo ergooyinka qabyadiisa ansixineysey oo aan ahayn kuwo si saxa u waafaqsan metelaada dadka, maxaa yeelay madaxdii sare ee dowladda ku meel gaarka ahayd ayaa si jacbura dad jooga suuqyada looga soo aruuriyey, iyadoo ujeedadu ahayd konton milyan oo meelmarintiisa ay Qaramada Midoobey ku bixineysey sidii loo calfan lahaa, balse ay siyaasiyiintu u arkeysey in ciladahaas indhaha laga qarsado bal si looga baxo ku meel gaarnimada.


Wixii ka dambeyey ansixinta dastuurka qabyo qoralka ah waxey dowladdu ka bixiweysey jahwareer siyaasadeed oo ay ka faa’ideystaan madaxda xilalka dowladda haya oo marna iska tuura tixgelintiisa marna ugu adeegsada sida ay rabaan, waxeyna taas keentay in madaxdii dowladahii iska kala dambeeyey ay awoodi waayaan turxaan bixinta dastuura loogu qabyo tirayo, waxeyna noqotay sababta ugu weyn iney diideen wax ka bedelkiisa dadkii soo sameystay oo ay doonayeen in sidiisa lagu aqbalo oo afti dadweyne loogu gudbiyo.


Waxaa guuldareystay dadaalo badan oo loogu galay in dastuurka lagu cilad bixiyo oo laga saaro danaha gaar ahaneed ee maamul goboleedka soo sameeyey uu ka dhex buuxsadey iyo kuwa kaabayey danaha shisheeye oo labaduba hirgelinta dastuurka ku noqotay caqabad looga gudbi waayey in laga dhigo dastuurka mid heshiis guuda oo heer qaran waafaqsan, nasiibdarase waxey tahay wixii ku qornaa oo qaldaan in la cadeeyo oo heshiis la isla ogol yahay laga wada gaaro ayaa inta badan la diidan yahay.


Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud iyo Raisulwasaare Hamza Abdi Barre waxey ku saxan yihiin iney ka shaqeeyaan dhameystirka dastuurka oo ay heshiis cad oo aan dib ugu noqosho lahay ay ka gaaraan sanooyinka uu ka kooban yahay mudo xileedka madaxda dowladda iyo inta jeer oo ay xilalka u tartami karaan, maxaa yeelay waxaa tusmo noogu filan in Soomaaliya ay soo martay madaxweyne mudoxileedkiisu ahaay 3 sano, iyo mid hayey 4 sano iyo mid kale oo hayey 7 sano, sidaas daradeed ayaa waxaa xaq ah in heshiis lagu mideysan yahay laga gaaro mudo xileedyada loogu tartamayo xaafiisyada dowladda.


Waxaa mudan in la fahmo in mudo xileedka iyo tirada inta jeer ee loo tartami karo xilka ay isku dabran yihiin oo loo baahan yahay in dastuurka dalka u degsan uu qeexo, waxaana sidoo kale xusid mudan in si xaqiiqda waafaqsan mudo xileedyada loo jaangooyo iyadoon lagu xumeyneyn shaqsiyada markaas xilka haysa, maxaa yeelay waxaa tixgelin mudan in dib loo jaleeco in dhamaan madaxdii soo hogaamisey dowladihii ku meel gaarka ahaayeen iyo kuwii rasmiga ahaa ee ka dambeysey ay dhamaantood ka cabanayeen mudo xileedka oo ku yar iyo hawsha loo igmaday oo aan isku dheelitirnayn.


Waxaan shaki lahayn iney lagama maarmaan tahay in uu dastuurku u baahan yahay in loo diyaariyo sidii uu u qeexi lahaa si dhameystiran doorashooyinka ay dadweynuhu codadkooda ku dhiiban lahayeen, waxeyna taas meelmarinteeda ay waajib uga dhigeysaa madaxweynaha iyo raisulwasaaraha iney tilaabo cad ka qaadan hagaajinta dastuurka lagu dhameystirayo oo xal kama dambeysa looga gaarayo mudada ku haboon haynta xilalka dowlada, taas oo soo afjareysa qiil dambe oo ay madaxdu ku kororsato mudad ay hayaan xilka.


Siyaasiyiinta waxaa looga baahan yahay iney kala saaraan mudo kororsi iyo xadeynta mudo xileedka oo loo gooyo sanooyin caqligala oo u dhiganta dheelitirka waajibaadka horyaala madaxda dowladda oo ay horyaalaan waxyaabo badan oo u baahan wakhti dheeriya in la siiyo sidii ay Soomaaliya uga soo kaban lahayd burburka dowladnimo iyo dibuhagaajinta calaqaadka ay la leedahay caalamka oo labaduba u baahan ka soo kabasho u baahan waqabad xoogan oo duruufo adag ka gudbidooda looga dhex shaqeynayo meelmarinta ka miro dhalintooda.

Loading...
Loading...