Somaliland oo ka Qaybgashay Shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Qaarada Afrika oo ka Furmay Addis Ababa

0
Thursday June 08, 2023 - 10:22:01 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo ka Qaybgashay Shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Qaarada Afrika oo ka Furmay Addis Ababa

    Agaasimaha guud ayaa khudbad la xidhiidha fursadaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha guud ayaa khudbad la xidhiidha fursadaha



Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maalgeshiga iyo warshadaha Somaliland Mudane Maxamed Cismaan Siciid iyo agaasimaha Waaxda Cilmi baadhista Yaasir Cismaan ayaa ka qayb galay shirka ganacsiga iyo Maalgashiga Qaaradda Afrika, oo lagu qabtay magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya.


 

Agaasimaha guud ayaa khudbad la xidhiidha fursadaha maalgeshi ka jira gudaha Somaliland ka jeediyay shirkaasi, waxaanu xusay in ay Somaliland tahay waddan dihin, isla markaana ay ka jiraan fursado badan oo xagga maalgashiga ahi.



 

Sidoo kale waxa uu u iftiimiyay ka soo qaybgalayaashi shirkaasi in Somaliland ay ku taalo bugcad mihiima oo isku xidha dalalka Geeska Afrika.


 

Mudane Maxamed Cismaan Siciid Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maalgeshiga iyo warshadaha Somaliland ayaa sheegay in ay tahay goob mihiim u ah waddamada Caalamka, marka la eego xagga isku xidhka ganacsiga qaaradda iyo dhanka maalgashigaba.

Loading...
Loading...