"Dacwada Lagu Oogay Gud. Khaliif Looma Marin Qaabkii Dasturku Jideeyay" Ex. Wasiir Xuseen Caydiid

0
Wednesday June 07, 2023 - 15:09:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1081
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dacwada Lagu Oogay Gud. Khaliif Looma Marin Qaabkii Dasturku Jideeyay" Ex. Wasiir Xuseen Caydiid

    "haddii Goluhu aqlabiyadda ku xusan isla faqraddan 2aad ee Qodobka 79aad"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"haddii Goluhu aqlabiyadda ku xusan isla faqraddan 2aad ee Qodobka 79aad"



Hargaysa (HWN) Wasiirkii hore ee Cadaaladda Somaliland, Garyaqaan Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay in dacwada lagu oogay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif aan loo marin nidaamka dastuurku jideeyay, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.

 

"Dacwaddan lagu oogay Cabdirisaaq Khaliif nidaamkii Dastuurku jideeyey looma marin, maxkamaddii awoodda u lahayna looma dhisin.

Golaha Wakiilladu ogeysiin ma laha ee waxay ahayd in maamuus-ka-xayuubin laga codsado sida uu jideynayo Qodobka 79aad ee Dastuurka faqraddiisa 2aad.

 

Markaa ka bacdina, haddii Goluhu aqlabiyadda ku xusan isla faqraddan 2aad ee Qodobka 79aad uu ku oggolaado maamuus-ka-xayuubinta, loo dhiso maxkamaddii awoodda u lahayd qaadista dacwaddaas oo ah Maxkamadda Sara ee Cadaaladda oo ah maxkamad xilli-leh ah, ahna ta ku xusan isla faqraddan sare, laguna caddeeyey koobnaateeda Qodobka 96aad ee Dastuurka faqraddiisa 5aad…” Sidaa waxaa yidhi Wasiirkii hore ee Cadaaladda Somaliland, Garyaqaan Xuseen Axmed Caydiid.


Loading...
Loading...