Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Dacwada Lagu Soo Oogay Gud. C/risaaq KHaliif

0
Wednesday June 07, 2023 - 14:50:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Dacwada Lagu Soo Oogay Gud. C/risaaq KHaliif

    Warsaxaafadeed:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxaafadeed:-



Xisbiga KULMIYE waxa uu aaminsan yahay jiritaanka hay’adaha Dastuuriga ah ee Qaranka Soomaaliland leeyahay iyo kala-madaxbannaanidooda. Haddaba, waxa nasiib-darro ah in hoggaanka Xisbiga Waddani hab-dhaqan ka dhigtay eedaynta iyo cambaaraynta hay'adaha dastuuriga ah, iyagoo si joogto ah u aflagaadeeya Golaha Guurtida, Maxkamadda Sare/Dastuuriga  iyo Ciidammada Qaranka.

Shacabka Soomaalilaand waxa ay iswaydiinayaan:



• Xisbiga Waddani miyaanu aaminsanayn jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxbannaanida Qaranimadeeda? 


• Xisbiga Waddani miyaanu aqoon  u lahayn qodobada dastuuriga ah ee xilka lagu waayi karo?


• Xisbigaa Waddani miyaanu aaminsanayn Hay’adaha Garsoorka iyo xaq-soorkooda?


• Xisbigan Waddani  ee raba hoggaaminta dalku miyaanu taageero u ahayn ciidammad Qaranka ee dalkooda difaacaya? 


• Xisbiga Waddani miyaanu la aragti ahayn shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee u taagan ilaalinta qarannimadooda?


• Xisbiga Waddani miyaanu arkeynin duullaanka xuduudeed ee dalkan lagu soo qaaday?


Haddaba, Xisbiga KULMIYE waxa  uu caddaynayaa in aan gole, xisbi, hay’ad kale iyo cid kasta oo  ka baxsan garsoorku aanay awood sharci u lahayn faro-gelinta dacwadaha  daskuuriga ah ee ka socda hay’adaha garsoorka. Waxa aannu u soo jeedinaynaa hay’adaha awoodda sharci u leh in ciddii faro-gelisa hay’adaha garsoorka iyo madaxbannaanidooda ay la xisaabtamaan.


Ugu dambayn, waxaanu u sheegaynaa hoggaanka Xisbiga Waddani in dalkani leeyahay Dastuur iyo xeerar ka dheegma, laguna wiiqi karin eedaymo aan qaban iyo daacayado caado laga dhigto oo loo gaysto hay’adaha dastuuriga ah ee Qaranku leeyahay.

 

Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni

       Afhayeenka Xisbiga KULMIYE

Loading...
Loading...