Waa Maxay Digniinta Gud. Xirsi Udiray Maxkamada Sare Ee Somaliland?

0
Wednesday June 07, 2023 - 11:06:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Digniinta Gud. Xirsi Udiray Maxkamada Sare Ee Somaliland?

    "Maxkamada Sare Ee Xalka Lagu Sugayay Waxay Ku Milantay Murankii Dalka Ka Jiray"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maxkamada Sare Ee Xalka Lagu Sugayay Waxay Ku Milantay Murankii Dalka Ka Jiray"


 

Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali X. Xasan ayaa sheegay in Somaliland ay ku jirto Murano kala duwan oo ay kamid yihiin muranka ka dhashay kordhinta Muuse Biixi ay usameeyeen golaha guurtidu ee ay ka soo horjeesteen Mucaaradku iyo sidoo kale khilaafka ka taagan qabashada doorashooyinka iyo siday ukala horeeyaan.

 

Gudoomiye Xirsi ayaa qoraal uu baahiyay oo uu arimahaasi kaga hadlayo kuyidhi sidan:-

 

"Somaliland waxay in muddo ah ku jirtay colaado hadheeyay iyo muran dastuuri ah iyadoo uu dhammaaday xilkii Madaxweynuhu looguna kordhiyay sifo sharciga baalmarsan, laguna heshiin.

 

Waxaa kale oo jiray muran sharci oo madaxweynuhu abuuray, taas uu doonayo in uu doorashadiisii oo taagan -isagoo dantiisa ka eegaya, in uu doorasho kale oo aan shuruucda dalka meelna kaga qornayn (Doorasho toos ah) ka soo horumariyo doorashada Madaxtooyada, si uu gabbood iyo cimri-dherer uga dhigto.

 

Waxaa faraha ka baxay qaybo dalka Somaliland ka mid ah iyadoo si hawl-yaraan ah ay dhawaan Puntland ka qabsatay Doorasho qof iyo cod ah, halka Madaxweynuhu inoo sheegayo in uu Laascaanood isla Puntland ka difaacayo. Bal waa yaab e, maxaa kala duway Sool iyo Sanaag oo labaduba dalkeenna ka tirsan?

 

Maxakamada sare ee Dastuuriga ah ayaa laga filayay in ay xalka qayb ka noqoto waxaase muuqata in ay ku milantay xukuumaddii oo ay u tafaxaydatay in ay muranka daraf ka noqoto oo shaqadii Golaha Wakiillada soo gasho, taas oo baalmarsan mabaa’diidii dastuurka iyo kala madaxbannaanidii hay’adaha dawladda.

 

Waxa aannu uga digeynnaa in ay hore ugu socoto talaabadaa gurracan, Somaliland intaa taagan ayaa dhib ugu filan ee ha uga darina oo qaranka dhiig-buxu ku socdo dhaawac kale ha u geysannina!” Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan ayaa sidaasi ku yidhi qoraalkiisa.


Loading...
Loading...