"Dacwada Lagu Soo Oogay Gud C/risaaq Khaliif Dastuurka Ayay Ka Soo Horjeedaa" Xildh. Axmed Khaliif

0
Wednesday June 07, 2023 - 10:47:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dacwada Lagu Soo Oogay Gud C/risaaq Khaliif Dastuurka Ayay Ka Soo Horjeedaa" Xildh. Axmed Khaliif

    "Maxkamadda Dastuuriga ahi meelna kama soo gasho dacwad lagu eedaynayo mudane"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maxkamadda Dastuuriga ahi meelna kama soo gasho dacwad lagu eedaynayo mudane"



Hargaysa (HWN)  Xildhibaan Axmed Khaliif oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay inay dacwada lagu soo oogay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ay tahay mid ka soo horjeeda dastuurka Somaliland, sida uu xildhibaanku ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.

 

"Eedda Xeer-ilaaliyaha Guud u gudbiyay Maxkamadda Dastuuriga ah iyo aqbalaadda ay Maxkamaddu aqbashay dacwadda waa laba arimood oo ka soo horjeedda dastuurka Somaliland.

 

Sida ku cad qodobka 37aad ee Dastuurka, waaxyaha qaranka ee kala ah garsoorka, xeer-dejinta iyo fullinta way kala madax-banaan yihiin oo mid waliba waxa uu leeyahay hawlo u gaar ah oo aan kuwa kale soo farogellin Karin.

 

Xeer-ilaaliyaha Guud waxa uu ku eedeeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada faldembiyeedyo culus oo leh ciqaab. Dastuurka ayaa caddeeyey sida loola dhaqmayo mudanah lagu eedeeyo inuu galay dembi. Waxa si cad qodobada 49 iyo 79 ee Dastuurku ay u caddaynayaan in aan la baadhi Karin oo la eedayn Karin mudane aan xaasaanadda laga qaadin.

 

Ma jirto meel uu Golaha Wakiiladdu kaga qaaday Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif xasaanad. Sidaasdarteed, Xeer-ilaaliyaha Guud awood sharci uma laha inuu eedeeyo. Maxkamadda Dastuuriga ahina awood uma laha inay qabato oo dhegaysato dacwad aan ansax ahayn oo ku dhisan dastuur jebin.

 

Maxkamadda Dastuuriga ahi meelna kama soo gasho dacwad lagu eedaynayo mudane ka tirsan Golaha Wakiilada. Waxa si cad u tilmaamay qodobka 79 aad ee Dastuurka oo dhigaya in marka xasaanadda laga qaado mudane ka tirsan Golaha Wakiilada in dhegaysiga dacwadiisa ay awood u leedahay Maxkamadda Sare ee Caddaaladda oo ka duwan Maxkamadda Dastuuriga ah. Maxkamadda Dastuuriga ahi maaha meel lagu dhagaysto dacwadaha ciqaabta ah.

 

Arinka labaad ee lagu eedeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo ah in aanu ka soo qaybgelin 20 fadhi oo isku xiga, maaha arin u yaalla Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Maxkamadda Dastuuriga ah sababta oo ah waa arin khuseeya xeer hoosaadka Golaha.

 

Maxkamadda Dastuuriga ahina ma qaadan karto doorka Golaha Wakiiladda ee ah inay xeer hoosaadkooda isku ilaaliyaan.

Haddii gudoomiyaha Golaha Wakiilada ama mudane kale jebiyo xeer hoosaadka iyo qodobada Dastuurka ee khuseeya habsami u socodka Golaha, waxa leh awoodda ka go’aan gaadhista Golaha Wakiiladda.

 

 Xafiiska Xeer-ilaalinta iyo Guddoomiyaha Maxkamaddu ma waxa ay Golaha la maamulaan buugga xaadiriska iyo fasaxyada mudanayaasha Golaha? Maxaa iyaga arimahaas gaarka ah geliyay? Yaa u soo cawday Xeer-ilaaliyaha oo ku wargeliyay in Guddoomiyuhu dhaafay 20 maalmood oo fadhi ah?

 

 

Waxa iska cad in sababta dacwadan loo geeyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ay tahay cabsi laga qabo Golaha Wakiiladda iyo in la doonayo in la baal maro dastuurka iyo Golaha dadku soo doortay oo la og yahay in aqlabiyadoodu aanay taageri Karin dastuur jebin iyo in shacabka Sool la sii fogeeyo.

 

Markii ay xaqiisatay xukuumaddu in aanay haysan tirada ay u baahan tahay ee Golaha oo 55 mudane ah , ayay go’aansatay inay si sharci darro ah u adeegsatay hanaanka ay hada martay oo ay doonayso inay ka hesho Guddoomiyaha Maxkamadda Sare go’aan uu ku sheegayo in Cabdirisaaq Khaliif lumiyay xubinimada Golaha.

 

Qoraalka ogaysiinta ah ee Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ahi qoray iyada oo caadiyan ay qoraan ogaysiisyada iyo yeedhmada Kaaliyaha Sare waxa uu muujinayaa in Maxkamaddu doonayso inay go’aanka soo saarto haddii Cabdirisaaq Khaliif ku soo jawaabi waayo toddobadaas maalmood gudohood iyo haddii uu ku soo jawaabo, labadaba.

 

In aan Maxkamadda Dastuuriga ahi shuqul ku lahayn dacwadaha ciqaabta ah iyo kuwa maamul toonna ee ay ku kooban tahay ka go’aan gaadhista dacwadaha dastuuriga ah ee lagu murmo dastuurnimadooda ama tafsiirka sharci waa arin cid waliba taqaan oo aan daah saarnayn.

Hadaba, waxa ay tahay inay xukuumaddu ogaato in doonista iyo codka shacabka aan lagu bedeli Karin go’aanno.

 

Cabdirisaaq Khaliif waxa soo doortay shacab, mudane ahaan. Waxa guddoomiye u doortay Golaha Wakiiladda ee la doortay. Waxa xaasanaadda ka qaadi kara Golaha Wakiilada.,

 

Waxa guddoomiyenimada ka qaadi kara Golaha Wakiilada. Haddii ay hayaan eed micno leh oo la dhegaysan karo ha horkeenaan cidda awoodda u leh ee ah Golaha Wakiilada.

 

Aqlabiyadda Golaha Wakiiladu ma aqbali doono in awooddii Goluhu lahaa la maroorsado iyo in xubnaha Golaha Wakiilada maalinba mid lala baxo.” Ayuu ku yidhi  xildhibaanku qoraalkiisa


Loading...
Loading...