Gud. Khaliif Oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Warqad Maxkamada Sare Kasoo Baxay

0
Tuesday June 06, 2023 - 21:15:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4063
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Gud. Khaliif Oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Warqad Maxkamada Sare Kasoo Baxay

    "waxaanu baal marsan yahay Dastuurka Dalka iyo dhamaan Xeerarka Dhaqangalka ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaanu baal marsan yahay Dastuurka Dalka iyo dhamaan Xeerarka Dhaqangalka ah"



Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ka jawaabay fariin qoraal ah oo Maxkamada Sare ee Somaliland udirtay Maanta gudoomiyaha, taasi oo ahayd in Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif ka soo jawaabo dacwad xafiiska  xeer ilaaliyaha Guud ee Somaliland ku soo oogay.

 

"Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare wax qiime Sharci ah ma laha, waxaanu baal marsan yahay Dastuurka Dalka iyo dhamaan Xeerarka Dhaqangalka ah mana mudna inaan ka jawaabo waana arin Jawaabteedu u taalo guud ahaan Golaha Baarlamaanka [Wakiilada iyo Guurtida] ee Awoodahooda Iyo xasaanadooda lagu Xadgudbay."ayuu yiri gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

 

Dacwadan maanta laga gudbiyay Gudoomiyaha ayay kukal aragti duwan yihiin xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland, kuwaasi oo qaar kamid ahi soo dhaweeyeen dacwadan, halka qaar kalana gaashaanka udaruureen.


Loading...
Loading...