Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Ka Jawaabtay Dacwad Ka Dhan Ah Gud. C/risaaq Khaliif
Xeer-ilaaliyaha Guud ee
Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa Maxkamadda Dastuuriga
ah u soo gudbiyay, dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane
Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee
Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa u
gudbiyay Maxkamadda Dastuuriga ah arji dacwad oogis Dastuur jabin ah, oo lidi
ku ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, kaasi oo
ku taariikhaysan 01/06/2023-ka, halka ay Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ahina
qabatay 04/06/2023-ka.
Maxkamadda Dastuuriga
ah ayaa maanta 06 62023 Golaha Wakiillada ku socodsiisay qoraal ay ku
dalbanayso in la gaadhsiiyo dacwadda Dastuuriga ah ee sumadeedu tahay
MS/GD/02/2023 ee ku lidiga ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.
Sidoo kale Maxkamadda
Dastuuriga ah ayaa u dirtay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada nuqul kamid ah
Dacwadda Dastuuriga ah ee uu ka soo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku,
kaasi oo ay kaga dalbanayso in uu kaga
soo jawaabo 7 cisho gudahood, oo ka bilaabmaya taariikhda maanta 06 bisha Juun
ee sannadka 2023-ka kuna eg 13-ka bisha Juun ee sannadka 2023-ka.
Wa bilaahi tawfiiq
Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa Waaxda
Warbaahinta Maxkamadda Sare