Maxaa Ka Jira In Maraykanku Ka Hiiliyay Farmaajo Xilligii Doorashada?

0
Tuesday June 06, 2023 - 17:45:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Maraykanku Ka Hiiliyay Farmaajo Xilligii Doorashada?

    "Cadaadisku wuxuu madaxweyne Farmaajo ka haystay dhinaca dastuurka,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Cadaadisku wuxuu madaxweyne Farmaajo ka haystay dhinaca dastuurka,"



Sanad ka hor, intii lagu guda jiray qabashada doorashada heer madaxweyne ee Soomaaliya, waxaa jiray muran xooganaa oo ka dhashay hannaanka loo qabanayo doorashada Soomaaliya, kaas oo mararka qaar isku badalayay gacan ka hadal dhexmara dhinacyadii is hayay.

 

Go'aanka dawladda Maraykanka iyo halka ay ka istaagto go'aamadii ay qaadaneysay dawladdii madaxweyne Farmaajo ayaa ahaa mid saameyntiisa leh oo jaangoynayay halka loo jihaysanyo. taas waxay keentay in qaar kamid ah taageerayaasha madaxweyne Maxamed Farmaajo ay ku eedeeyaan dawladda Maraykanka in ay xagaldaacisay qorshaha madaxweyne Farmaajo.

 

Sanad kadib safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Larry André, ayaa la hadlayay BBC. Waxaan wax ka waydiinay waxa ka jira in ay ka horyimadeen madaxweyne Farmaajo waqtigii doorashada.

 

Larry ayaa yiri: "Cadaadisku wuxuu madaxweyne Farmaajo ka haystay dhinaca dastuurka, wuxuu aad ugu dib dhacay muddo xileedkiisii".

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in dawladda uu matalo ee Maraykanka iyo guud ahaan wadamada kale ee calamka ay ku boorinayeen madaxweyne Farmaajo in uu qabto doorashada oo si weyn uga dib dhacday xilligeedii.

 

Larry wuxuu intaas ku daray in baalmaridda dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaliya ay si qayrul-caadi ah u cuuryaaminaysay dawladnimada Soomaaliya. wuxu yiri: "Khad cas ayay u tahay Soomaaliya, baalmarista dastuurka, waa waddan tobanaan sano ku soo jiray fawdo iyo gacan ka hadal".

 

Balse maamulka Farmaajo wuxuu dhankiisa ku dooday in uu doonayay inuu hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah, baarlamaanka Soomaaliyana ay ansixiyeen muddo laba sano ah, oo maamulkiisa loo kordhiyo, dawlad goboleedyaduna caqabd ku noqdeen in doorasho qof iyo cod ah dhacdo.



BBC

Loading...
Loading...