Madaxweynaha oo Shuruudaha Somaliland ee wada hadalka Soomaaliya u Gudbiyey Wefdi ka socday Turkiga

0
Tuesday June 06, 2023 - 10:10:54 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo Shuruudaha Somaliland ee wada hadalka Soomaaliya u Gudbiyey Wefdi ka socday Turkiga

    Waxaanu xusuusiyey dhamaan shuruudadii hore Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaanu xusuusiyey dhamaan shuruudadii hore Somaliland



Madaxweynaha SomalilandMudane. Muuse Biixi Cabdi oo Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socday dalka Turkiga oo uu Hoggaaminayo wakiilka dawladda Turkiga u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Alpy.


 

Madaxweynaha Somaliland ayaa xubnaha weftiga ka socday dalka Turkiga ay ka wada hadleen wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya isla markaana waxaa uu xog ka siiyay wada hadaladii hore labada dal usoo wada yeesheen iyo halkii ay ku dambeeyeen.



 

Waxaanu xusuusiyey dhamaan shuruudadii hore Somaliland ugu xidhay dib-u-bilowga wada hadalada.


 

Wefdiga oo ka koobnaa Wakiilka Turkiga u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Alpy Ay kuna wehelinayey wakiilka Turkiga ee Somaliland Harun Aslan ayaa sheegay inay wada hadalada iyo dhinacyada xalalka kala hadleen Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi .


 

Madaxweynaha oo muddo hore ka hadlayey dib u bilowga wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay helitaanka ajende cad oo wada hadaladu yeeshaan.


 

Wuxuu kaloo sheegay inuu jiro cid dhexe oo markhaati ka noqota go’aamada la gaadho fulintooda.


 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa ku wehelinayey Madaxweynaha kulanka wefdiga Turkiga.

Loading...
Loading...