Taliyihii Ka Goostay Ciidamada Somaliland Oo Warbaahinta La Hadlay

0
Tuesday June 06, 2023 - 08:38:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Ka Goostay Ciidamada Somaliland Oo Warbaahinta La Hadlay

    "Dad badani iney ku dhinteen, oo ay dad badanina ku dhaawacmeen, magaalada in la duqeeyey"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dad badani iney ku dhinteen, oo ay dad badanina ku dhaawacmeen, magaalada in la duqeeyey"



Waxaa jiray warar la isla dhex marayey maalmahan, oo sheegayay in taliye katirsanaa ciidanka jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, inuu ku biiray ciidanka ka dagaalamaya gobolka Sool ee SSC.

 

Sareeye Guuto Saleebaan Barre Geesood, oo ah abaanduule ku xigeenka ciidamada Somaliland ayaa sheegay inuu kasoo baxay gabi ahaan ciidamada Somaliland, oo uu haatan kusugan yahay magaalada Laascaanood.

 

Geesood, ayaa intaa raaciyey inuu go’aan sadey tallaabadaasi, oo uu doonayo inuu la qeyb sado dhibaatooyinka ay ku jiraan dadkiisa.

 

"Laascaanood illaa iyo 6-dii bishii February, ee sanadkaan 2023-ka. Waxaa ka socday Laascaanood dagaal, kaasoo u dhaxeeyey dadka reer Sool iyo ciidamada Somaliland, dagaal kaasoo sababay khasaare aad u fara badan, oo naf iyo maalba leh,” ayuu yiri mar la weeydiiyey taliyaha sare

 

Wuxuu carrabka ku dhuftay in dagaalka ka dhacay gobolka Sool uu sababay dhibaatooyin fara badan, sida dhimashada dad fara badan, iyo sidoo kale dhaawac aad u badan, iyadoo sida uu sheegay taliyaha 90% dadka magaaladani ay ka qaxeen.

 

Taliyaha ayaa ku nuux nuux saday sida uu marar kala duwan ugala hadlay maamulka Somaliland inaan dagaal lagu qaadin dadka Laascaanood, maaddaama ay yihiin buu yiri dad ay iyagu xukumaan.

 

"Dad badani iney ku dhinteen, oo ay dad badanina ku dhaawacmeen, magaalada in la duqeeyey, oo burbur hantiyeed oo fara badani uu ka dhacay, magaalo dhan oo dadkii daganaa ay ka qaxeen, oo 90% ay ka maqan yihiin, sidaa darted waxaan go’aan sadey maadaama dadkii uu ku jiro dagaal ay dhibaato ku jiraan qax iyo barakac, iyo duqeyn iyo xabd joogta ah, maaddaama dadka deegaanka aan kasoo jeedo aan dareenka la qeyb sado, intaas ayaan uga soo tagay,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

 

Wafdigani ayuu taliyaha tilmaamay iney kamid ahaayeen wasiirro iyo madax kale oo katirsan ciidanka Somaliland, halka talooyinkii uu soo jeedinayeyna aan dhag jalaq loo siin, oo taa badsalkeeda lagu dhaqaaqay wax alle iyo wixii keeni karayay dagaal, oo dadka Sool lagula kaco.

 

"Waxaan go’aan saday inaan kasoo baxo halkaas, oo aan kasii mid ahaan ciidanka Somaliland, oo aan dadkayga u imaado, aananna kala qeyb galo dhibaatada”, ayuu yiri taliyaha.

 

Magaalada Laascaanood, ayaa duqeymaha waxey gaarsiiyeen burbur baaxad leh, taasoo ugu danbeyn ku qasabtay inuu wax ka badalo go’aan kiisa” ayuu tilmaamay taliyaha.

 

Taliyaha ayaa sheegay inaanay ku wehlin soo goosashadiisa wax ciidan ah oo katirsan Somaliland.

 

Sarreeye Guuto Saleebaan Barre Geesood, ayaa tilmaamay in muddo ku dhaw lix bilood uu ka war sugayey bal si uun in loo xaliyo dagaalka Laascaanood, taasoo uu sheegay inaanay wax kasoo naasa cadaanin.

 

Taliyaha ayaa inta aanu soo gaarin magaalada Laascaanood, in markii koowaad u gudbay markii uu ka baxayay ciidamada Somaliland magaalada Jigjiga, kadibna uu marin kasii dhigtay Buuhoodle, si uu u gaaro Laascaanood, oo uu haatan kusugan yahay.

 

Dhanka kale dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayaa taliyaha u wareegistiisa dhanka ciidanka ka dagaalamaya Sool ku macneeyey inuu iyaga markii horaba ku matalayey Somaliland, haatanna uu dhankooda kaga soo biiri doono dagaalka, oo iyaga uu la safan doono.

 

Illaa iyo afar maalmood ayaa laga joogaa tan iyo xilligii uu kasoo baxay taliyaha dhanka iyo ciidanka Somaliland, iyadoo uu sheegay inuu ku war galiyey maamulka ciidanka inuu isaga tagayo shaqada, maadaama aanu la dhacsaneyn habka wax loo maamulayo.

 

Wuxuu tilmaamay taliyaha inuu kamid ahaan jiray ciidamada dowladdii Soomaaliya ee 1991-kii kahor, isagoo tobankii sano ee ugu danbeeyeyna kamid ahaa ciidamada Somaliland.

 

Taliyaha ayaa xilligii ugu danbeysay kamid ahaa ciidamada Somaliland, isagoo ahaa abaan duulaha guud ee ciidamada, kahor inta aanu sidoo kale lasoo shaqeynin ciidamada Puntland sanadkii 1998-dii, isagoo kasoo noqday taliyaha nabad sugidda iyo sirdoonka.

 

Wuxuu la shaqo bilaabay ciidamada Somaliland sanadka markuu ahaa 2015-kii, halka uu la soo shaqeynayey illaa iyo sanadkii 1973-dii ciidamadii dowladda Soomaaliya, isagoo tababar ku qaatay kuliyaddii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

 

BBC


Loading...
Loading...