Madaxwayne Mustafe Cagjar Oo Ka Hadlay Khilaaf Ka Taagan Masaajido La Burburiyay

0
Monday June 05, 2023 - 17:49:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Mustafe Cagjar Oo Ka Hadlay Khilaaf Ka Taagan Masaajido La Burburiyay

    "Waan qaadanaynaa doorka nagaga aadan in ayna dib u dhicin arimihii sababay dhibaatada''

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waan qaadanaynaa doorka nagaga aadan in ayna dib u dhicin arimihii sababay dhibaatada''



Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida ee Itoobiya Mustafe Cumar Cagajar ayaa sida tan bartiisa Faceboogga kusoo qoray ''Taariikhda Itoobiya dawlad Muslimiinta dalku ay ka heleen xorriyadda diimeed, xuquuqaha siyaasadeed, muujinta(shacaacirta) diintooda inta ay ka heleen Dawladda uu Hoggaamiyo RW Abiy Ahmed iyo Xisbiga Barwaaqo ma jirto. Way haboon tahay in laga gilgisho wixii dhibaatooyin ah ee la soo darsa Muslimiinta balse in laga been sheego xaqiiqda jirta ama la dafiro wixii wanaag ah ee jira maaha. Waa in wax walba si waaqici ah loo wajaho. Waan ka tacsiyeeynaynaa shuhadada dhibtu soogaadhay. Waan qaadanaynaa doorka nagaga aadan in ayna dib u dhicin arimihii sababay dhibaatada''

 

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay shaqaaqo u dhaxeysa booliiska dalkaas iyo dad ka dibadbaxayay burburinta masaajiddo.

 

Dhowr goobood oo ay Muslimiintu ku cibaadeystaan oo ku yaalla bannaanka magaalada Addis Ababa ayaa la burburiyay bilihii la soo dhaafay, tanoo qeyb ka ah qorshaha magaaleynta ee lagu muransan yahay, kaasoo caro ku abuuray Muslimiinta dalkaas.

 

Bishii hore dabayaaqadeedii, Golaha Sare ee Islaamka ee gobolka Oromia ayaa sheegay in 19 masjid oo ku yaalla magaalada Shaggar la burburiyay waxayna ugu baaqeen dowladda gobolka inay ka baaqsato arrintaas ayna ku dhammeyso wada xaajood.

 

BBC


Loading...
Loading...