Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Sidii Macno Loogu Yeeli Lahaa Dimuqraadiyada Dalkiisa.

0
Sunday February 03, 2019 - 11:40:14 in News by Super Admin
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Sidii Macno Loogu Yeeli Lahaa Dimuqraadiyada Dalkiisa.

    Addis Ababa(HWN):-Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa ku baaqay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo sidii macno loogu yeeli lahaa dimuqraadiyada dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Addis Ababa(HWN):-Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa ku baaqay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo sidii macno loogu yeeli lahaa dimuqraadiyada dalka. Raysal wasaare Abiy oo hadal ka jeediyey kulan lagu falanqaynayey dimuqraadiyada Itoobiya oo ka dhacay Addis ayaa waxa uu yidhi "Dariiqada aynu hore ugu socono waa inaynu macno buuxa u yeelno dimuqraadiyada taas oo wada jir looga shaqayn karo iyada oo aan laga gudbayn xuduuda siyaasada, waana inaynu dimuqraadiyada Itoobiya ka dhigno mid xoogan inaga oo hubinayna fursadaha ay haystaan xisbiyada siyaasadu, dhamaan daneeyayaashuna waxay wada jir uga shaqaynayaan sidii loo xoojin lahaa hay’addaha dawlada isla markaana loo aamini lahaa.”


Sidoo kale raysal wasaaraha Dr. Abiy ayaa sheegay in nidaamka siyaasadeed ee la ka jira dalka Itoobiya aanu u gudbi Karin meel kale, waxaanu soo bandhigay faa,iidooyinka uu dalkiisu ka helayo dimuqraadiyada kuwaas oo uu ku sheegay cadaalada, kala duwanaanshaha, xoriyada wacyi gelinta, waxaanu dhalinyarada ugu baaqay inay eegaan faa,iidooyinkaas.
Loading...
Loading...