Kacaanka labaad ee Qabyaaladda !

0
Saturday February 02, 2019 - 08:27:42 in Articles by Super Admin
  • Visits: 1291
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Kacaanka labaad ee Qabyaaladda !

    Goobtan marka aad joogto halla yaabin , haddaad aragto qof halku dhiggiisu yahay "Ummadda Soomaaliyeed ayaan u taaganahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goobtan marka aad joogto halla yaabin , haddaad aragto qof halku dhiggiisu yahay "Ummadda Soomaaliyeed ayaan u taaganahay
Waxa sooyaalku sheegaa, waagii dawladdii MSD Barre AHU. Inay qabyalaaddu gaadhay halkii ugu sarraysay ee ay abid gaadho; walaw ay marka horeba ku dhisnayd qabyaaladdu nolosha Soomaalida oo aanay kacaanka la bilaaban ee ay ka horraysay. Haddana waxa la dhahaa xilli ay xoog badnayd ayay ahayd.

Eegga furin kale ayay si xawli ah uga laba dhacaysaa Qabyalaaddu. Waa furin cusub iyo farsamooyin ugub ah ; waa furin kulmisa bulshooyin heerarkeeda qabyaaladeed kala duwanyihiin ! - Tusaale, kuwo qabyaaladda tuuggo ku ah, kuwo qabyaaladda nacayb haybeed uun u adeegsada, kuwo xilal iyo mansab ku doonta, iyo bulshada inta la adeegsado ee inta badan ah - furintani waxay u gogol-dhigtaa oo kulmisaa , kala Quuste yaasha kala qancay iyo Isu ciil qabayaasha aan isu calool fayoobayn.


Madasha noocaas ahi; waa meel la yaabbadan oo Diktoorro, Engineerro ,Wadaaddo , Isimmo, Aqoonyahanno, Ardaallo iyo Aragti yahannaba kulmisa !
Waa meel dadku isku beddelo oo qiiro wanaag iyo cid nacayb labadaba leh. Isla goobtan dadku waa ka Siyaasiyiin , Muwaaddiiniin iyo Tolal mideeyeyaal.

Goobtan marka aad joogto halla yaabin , haddaad aragto qof halku dhiggiisu yahay "Ummadda Soomaaliyeed ayaan u taaganahay midnimadeeda" oo weliba bulshadu u taqaan in sidaasi ka dhabtahay, haddaad la kulanto isaga/iyada oo naadi kale u saftay oo aan isagiiba ahayn, laakiin se qofkii xaqiiqiga ahaa markan ah. Sidaa si lamid ah, waxad la kulmaysaa mid Qabyaaladda caaya oo goleyaasha ka sheega dhibkeeda, markan se isagu ah wershedda soo saartaba !

Dunida noocan ah ee aan ka sheekaynayaa waa Bar-bulsheedka caanka ah ee WHATSAPP-ka ! Waa goobta fashilisa shiqsiyadda wanaagsan ee dadku samaysteen, daahana ka faydda midda runta ah. Inkasta oo nolosheenna oodhan halku u hoosaysa iyo halka ugu sarraysaba ay qabyaaladdu ku dheehantahay oo aanay meella ka madhnayn, haddana furintan cusubi waa shidaal kale oo ay qabyaaladdu heshay

Cirka dawga loommaro
Cagaheenna hoosiyo
Ciiddaan ka baadhnaa


Farxaan Galaydh
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...