Aqoon La'aani Waa Col Kula Yaala ( Abdi-Shotaly).

0
Monday June 05, 2023 - 10:27:49 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1047
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Aqoon La'aani Waa Col Kula Yaala ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Inta Nabadi Joogtaa,Nin-ba Laba Nin Leeg-Yahay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Inta Nabadi Joogtaa,Nin-ba Laba Nin Leeg-Yahay!



Aniga oo la hadlaaya beelaha burco ku diriraaya, waxan idin leeyahay, idinkoo wax isu qira, oo kala gar qaata, baa dani idiinku jirata, colaadina mid-kiina wanaag uma soo sido, naf-waa iyo tacsi aad waydaan intaad jecesha-hiin yuun baad ka dhexlay-saan, horaa loo yidhi " Inta nabadi joogtaa, nin-ba laba nin leeg-yahay" Waxan idiin sheegayaa oo kale, Dunidda imika illaah ma abuurin, ee waxay soo dhisnayd ilaa maalinta uu Rabbi ugub-keedda Qotamiyey, ee uu ummad-ba meel dejiyey ee xuduud uga dhigay, haday tahay qabaa'il iyo haday dawalado tahay-ba, waana la yaqaan reer-ba inta uu deegaan-koodu yahay, haddii aan la iska indho tirayn, idina waad garanay-saan sidda u kala lahay-deen hadaan la is dafirayn.



Way jiraan meelo la wadda dego iyo meelo idiin kala soocani, wax la isku khaldi karana maaha,waxan idin leeyahay caqligu ha shaqeeyo, oo wax isu qira, idinka oon la idinku dhex jirin baad heshiin kartaane,oo yaanay idinka faa'iidaysan dad dan gaara lihi, kuwaas oo raba in ay toodda idinku gaadhaan, iyaka oo aan naf idiin haynin, waxa ka mid kuwa ku shaqay-naaya aragtiddii gumaysiga ee ahayd " Qaybi oo xukun" Waa maamulka labadda askariye, taas oo ah wax yeelo idinka soo gaadha ah, dhimasho, dhaawac,qax iyo hanti iyo aduun ku burbura. Waxa wacan in aad wax isu qirtaan, si aad u kala nabad gashaan.


 

Waxa ay murti somaliyeed tidhaahaa " Aqoon la'aani waa col kula yaala" Waana xaqiiq, haddii garashadu ka guurto,meel xun oo aanad ka soo waaqsan buu kula tagtaa, markay kula kacdo tallo xumaantu, wax ka qabsho ma laha, ee yaanay bello idiin sanqadhin, imikay tallo idin la gudboon tahaye. Runta markaan u daadego, ee Rabbi aynu ka baqno, aniga oo reerna been ka sheegayn, ee xaqa, runta iyo sidda wax u dhaceen, ee Alle igu og-yahay sheegaaya, daacad-na ka ah, waxa jebiyey dhaartii oo bilaabay dagaalka Beesha Ciise muuse, oo shalay ( Waa Sabtidiiye) Weeraray cadaan ah ku qaaday " Tuuladda Bali Samatar" Gari Allay taqaanaaye yaan la isku sheegin been, ee waa runta ha lagu wadda hadlo, laguna kala gar qaato, oo cidda dharrta jebisay ay qirato. 


Cidina ma jecella geeri ku timaataa iyo dhaawac, hadiise beladu halkay ka timi lagu cadayn waayo, oo la isku dafiro, waxa idinku badan doona oohinta iyo hebel baa naga dhintay labadda dhinac-ba. Dhab wax u fiirsadda, weli waad dhawda-hiine.Yaanay idiin talin kuwo isku kiin sii dirayaa, oo kursiggii raba in ay ku sii haystaan, dhiigiina oo ay daadiyaan iyo hooyooyin goblama, oo ha ka moodina daacad waxay dhurayaan Labadda Askari, Bakhti dhego-weyn, Ramaax Sakhraan, Duur xil doon iyo qaar kaloo badani sidda Maraanka ina Muraad la yidhaaho, oo ay ka qabsatay isku dhufashadda " Hj iyo Garxajis".


 

Gabay baa waxa ka mid ahaa ereya-diisa " Nimaad Qali qamuun-yadda ka dhawr, oo foolasha u qaawi, qadacaa ilkaha yuu arkina, hawba kala qaadin" tabta ereya-daasi qeexayaan, bay kuwa imika idin dhex tubani, ee leh waxan idiin nahay dhex uu xaal-koodu yahay, waana huf iyo been, ee isku jab-kiina bay ku naxaaxayaan, kana talinayaan, mana jirto haba yaraatee wanaag ay meesha u yimaan. Haday nabadu daacad ka tahay, intaad isu hanjebay-seen bay iman lahaayeen, ee iyaka bay dani ugu jirtaa sii kala fogaynta beeluhu, oo waa wakhti korodhsi doon, iyo beello gaara doon-doon, waana ay heli dooonaan abaal-koodda, oo ay ka shanlayn doonaan marka wakhtigu ka hor yimaado sidda Sool ka dhacday.


Akhristaw kuwa idin leh, dawlad baanu nahay, oo nabad baanu idinka doonaynaa, waa ina wax kama jiraan iyo afka baar-kiisa. Haday dhab ka tahay, Intee baad laba-diina beelood dagaalka ka hadlay-seen, way arka-yeen in aad isku sii socoteen, ee maxay idiin soo kala gaadhi waayeen, haday nabad rabaan inta aanay wax dhicin? Jawaabtu waxa weeye iyaka baa ugu ba daa sidaas, abuuray, oo hore iyo dib iyo imika u aabe iyo hooyo ah ilaa Maraya-Alool waday-na, imikana daaha daha-diisa dabka ka shidaaya, af-kana waxooddii xilka lahaa ee beenta iyo ciiro isku qarintaa ahayd ka shubaaya.


* N.B Inta Nabadi Joogtaa,Nin-ba Laba Nin Leeg-Yahay!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...