Hargaysa: Xukuno 5 Sanno Ah Oo Lagu Xukumay 3 Nin Oo Garxajisa Oo Muqdisho Ka Soo Laabtay

0
Monday June 05, 2023 - 09:46:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa: Xukuno 5 Sanno Ah Oo Lagu Xukumay 3 Nin Oo Garxajisa Oo Muqdisho Ka Soo Laabtay

    Xukunno 5 sanno ah ayaa lagu riday 3 maxbuus: Ma ay joogin qareennadoodu iyo xigtadu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukunno 5 sanno ah ayaa lagu riday 3 maxbuus: Ma ay joogin qareennadoodu iyo xigtadu


Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ayaa saaka shan sanno oo xadhig ah ku kala xukuntay saddex maxbuus oo uu hore warbaahinta uga eedeeyay Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaalilaan Maxamed Kaahin Axmed, kuwaas oo kala ah:



1. Cali Axmed Xirsi

2. Bushaar Cabdiqaaddir Ibraahin

3. Mukhtaar Cali Cismaan


Maxkamaddu waxa ay 300 cisho kaddib ay deysay dembina ay kuweyday Mustafe Jaamac Cismaan, goaankani waxa uu soo baxay iyada oo aanu joogin qareenkii maxaabiista oo ahaa Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela, sidoo kalena uu fasax ahaa garsoorku, iyada oo saaka la furayay dhismaha maxkamadda rafcaanka Maroodijeex, lana celinay dadka iyo maxaabiista kaleba.


Ma cadda waxa loo cuskaday xukunkan oo aanay joogin ehelada iyo dadweynuhu midnaba, maaddaama oo uu garsoorku xidhnaa saaka.. Ragga la xukumay ayaa ahaa askar iskood uga soo laabtay Muqdisho, balse lagu shaambadeeyay inay xidhiidh la leeyihiin Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).


W/Q: Siciid Gahayr.

 

HALKAN KADAAWO WARBIXIN MUUQAALA OO AY HORE HADHWANAAGNEWS UGA DIYAARISAY

Loading...
Loading...